4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2018
IMF oo dowladda Soomaaliya ka caawineysa tayeeynta adeegyada ay bixiso

 

Sabti, July, 07, 2018 (HOL) – Hay’adda Lacagta Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo kala duwan oo loogu tala galay in lagu tayeeyo Shaqaallaha iyo sidoo kale Adeegyadda ay bixiso dowladda Soomaaliya.

Hay’adda IMF Waxa ay sheegtay in bilihii lasoo dhaafay ay socdeen dadaallo ku aadan in Sare loo qaado hanaanka Maaliyadda Soomaaliya sidoo kale la xoojiyo Khibradda Shaqaallaha ka shaqeeya maaliyadda.

IMF War kasoo baxay ayaa lagu bogaadiyay dadaallada maaliyadda ee ay waddo dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale bixinta mushaaraadka Shaqaallaha dowladda.

Waxaa sidoo kale Warka lagu sheegay in shaqaalle ka tirsan Hay’adda IMF oo leh Khibrad dheeri ah in ay hadda wax ka waddaan Mashaariicda loogu tala galay in lagu xoojiyo Maaliyadda Soomaaliya.

IMF Waxaa ay xustay in ay taageero Buuxda dowladda Soomaaliya ka siinayso lacagta cusub ee dhawaan lasoo daabici doona,taasoo oo wax badan ka badali doona hanaanka maaliyadda Soomaaliya.,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]