4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 6 , 2018
Ra'iisal wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif oo lagu xukumay toban sano oo xabsi ah

 

Jimco, July, 06, 2018 (HOL) – Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa toban sano oo xabsi ah ku xukuntay ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Nawaz Sharif, kaddib markii ay ku heshay dambi ah eedeymo musuqmaasuq.

Sidoo kale Maxkamadan ayaa waxaa ay ku xukuntay min toban san oo xarig ah gabar uu dhalay Nawaz iyo wiil uu soddog u yahay.

Dacwaddan ayaa salka ku haysay guryo qoyska Nawaz ay ku leeyihiin London oo la sheegay in lagu iibiyay lacago ay sameeyeen shirkado ka hawlgalka dibadda dalkaasi Pakistan.

Nawaz Sharif oo hadda ku sugan Britain ayaa xukunkaasi maxkamadda ku tilmaamay kuwo siyaasadeed.

Xukunkani ayaa ku soo beegmaya todobaad ka hor doorashada guud ee dalkaasi, waxaana saadaashu ay muujineysaa in xisbigiisa PML-Nawaz uu guul weyn ka soo hoyn doono doorashadaasi.

Nawaz ayaa hoggaanka xisbigaasi iska wareejiyay kaddib markii maxkamadda sare ee dalkaasi ay soo saartay xukun ah in gebi ahaanba laga mamnuuco siyaasadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]