9/22/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 6 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo tagay magaalada Carta Sawirro



Jimco, July, 06, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray Carta oo ah magaaladii marti galisay shirkii dib-u-heshiinta Soomaaliya ee lagu yagleelay Dowladdii kumeel gaarka ahayd sanadkii 2000.

Madaxweynaha oo safar dhanka dhulka ah ku tagay Carta ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Jabuuti, waxgaradka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Carta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay shacabka Carta martigalintii ay u sameeyeen ergadii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

“Magaaladan waxay quluubta shacabka Soomaaliyeed uga taallaa meel wayn. Waa magaalo soo celisay rajadii shacabka Soomaaliyeed. Waa magaalo astaan u noqotay Soomaalinimo iyo deeqsinimo."

"Waxaan guud ahaan reer Jabuuti iyo gaar ahaan reer Carta uga mahadcelinaynaa sidii niyadsamida lahayd ee ay shacabka Soomaaliyeed u garab istaageen xilli adduunyada oo idil ay kasii jeesatay.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa caawa ku hoyan magaalada Carta si uu kulamo gooni gooni ah ula yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladan.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ee Carta waxaa ka qeyb qaatay Wasiiro ka tirsan Dowladda Jabuuti oo kala ah Wasiirka Difaaca Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Xasan Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Cilmi Baarista Mudane Mustafe Maxamed, Wasiirka Gaadiidka iyo Qalabeynta Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Wasiirka Dhaqanka iyo Diinta Mudane Muumin Xasan Barre iyo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadam Xasan Aadam (Beleloo).

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
7/6/2018 2:50 PM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL)–Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa toban sano oo xabsi ah ku xukuntay ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Nawaz Sharif, kaddib markii ay ku heshay dambi ah eedeymo musuqmaasuq.

7/6/2018 1:17 PM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL)–Baarlamaanka Midowga Yurub oo kulan yeeshay ayaa war uu ka soo saaray xaalada Soomaaliya, waxaa uu ku dalbaday in Soomaaliya laga daayo fara-galinta shisheeye ee lagu hayo.

7/6/2018 8:23 AM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL)–Shir wadajir ah oo u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran Siyaasadda dalka iyo Guddiga Farsamo ee Wada xaajoodka Arrimaha Federaalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

7/6/2018 7:37 AM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL)–Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay in qofkii dilay labada ruux ee ku cibaadaysanayay masaajidka Koonfur Afrika ku yaalla uu ahaa qof maskaxda ka xannuunsan oon aragti argagixiso lahayn.

7/6/2018 7:25 AM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL)–Xildhibaannada maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

7/6/2018 6:33 AM EST
Jicmo, July, 06, 2018 (HOL)–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khamiistii shalay kormeer ku tagey Dugsiga tababarka Ciidamada Gen. Gordon ee Magaaladan Muqdisho, halkaasoo ay horay u maamulayeen Imaaraadka Carabta.

7/6/2018 3:08 AM EST
Jicmo, July, 06, 2018 (HOL)–Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag ku hubeysan bastoolado ku toogeen degmada Dayniile ee gobolkan Banaadir Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliyeed.

7/6/2018 1:07 AM EST
Jicmo, July, 06, 2018 (HOL)–Waxaa maalintii shalay si rasmi ah looga daah-furay dalka Jabuuti Aaga Ganacsiga xorta ah ee jabuuti ee Shiinuhu dhisayo, kaasoo ah kan ugu weyn guud ahaan marka la eego qaarada Africa.

7/6/2018 12:53 AM EST
Jicmo, July, 06, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay halkaa gaareen dad ka barakacay dagaalo labadii maalmood ee la soo dhaafay qeybo ka mid ah gobolka ku dhaxmarayay xoolo dhaqato iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

7/6/2018 12:41 AM EST
Jicmo, July, 06, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in ay ku xadgudubtay xuquuqda Aadanaha, islamarkaana mudaddii ay jirtay geysatay Xadgudubyo badan oo ka dhan ah Xuuquuqda Aadanaha.