4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 6 , 2018
Koonfur Africa oo war ka soo saartay Nin weeraray Masjid

 

Jimco, July, 06, 2018 (HOL) – Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay in qofkii dilay labada ruux ee ku cibaadaysanayay masaajidka Koonfur Afrika ku yaalla uu ahaa qof maskaxda ka xannuunsan oon aragti argagixiso lahayn.

Falkaan ayaa dhacay Bishii hore 13-keedii sidda ay shaaciyen Hay’adaha Ammaanka waxaana geystay nin Soomaali ah.

Ruuxa falkaan geystay ayaa ahaa Muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa dalka Koonfur Afrika.

“Ninkan dhimirka ayaa laga hayaa, lamana xiriirin karno wax xag jir ah ama argagixiso ah”, ayuu yiri Hangwani Mulaudzi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Qofka weerarka gaystay ayaa watay mindi wayn wuxuuna weeraray dad ku tukanayay masaajidka Malmesbury oo ku yaalla magaalada Cape Town, balse booliiska ayaa markii dambe toogasho ku dilay ka dib markii diiday in uu wareejiyo toorida.

Guddiga Muslimiinta Koonfur Afrika ee MJC oo war qoraal ah soo saaray arrintaas ayaa sheegay “in ay ka argagaxeen weerarkaas arxan darrada ah” waxayna sheegeen in dadka la dilay ay ictikaafayeen.

BBC