3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 6 , 2018
Xildhibaanno ku baaqay in la joojiyo dagaal ka soo cusboonaaday gobolka Hiiraan

 

Jimco, July, 06, 2018 (HOL) – Xildhibaannada maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaannada ayaa sheegay in xilligaan aan loo baahneyn in dhiig badan uu ku daato degmada shacabkana loogu baahan yahay iney xabad joojinta qaataan.

Xildhibaanadaan oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in ay ka qeyb qaadanayaan dhex dhexaadinta beelaha dagaalka uu ka dhaxeeyo, sidoo kalena ay tagayaan goobaha ay dagaalada ka soo cusboonaaday.

Dhinaca kale maamulka gobolka ayaa sheegay in dhex dhexaadin ay ka wadaan dhinacyadii dagaalamayay xabad joojina ay sameeyeen.

Maamulka ayaa xusay in aysan aqbali doonin in dagaalo u dhaxeeya beelaha gobolka uu xilligaan xoogeysto oo uu soo laablaabto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/6/2018 2:50 PM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL)–Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa toban sano oo xabsi ah ku xukuntay ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Nawaz Sharif, kaddib markii ay ku heshay dambi ah eedeymo musuqmaasuq.

7/6/2018 1:17 PM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL)–Baarlamaanka Midowga Yurub oo kulan yeeshay ayaa war uu ka soo saaray xaalada Soomaaliya, waxaa uu ku dalbaday in Soomaaliya laga daayo fara-galinta shisheeye ee lagu hayo.

7/6/2018 10:01 AM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray Carta oo ah magaaladii marti galisay shirkii dib-u-heshiinta Soomaaliya ee lagu yagleelay Dowladdii kumeel gaarka ahayd sanadkii 2000.

7/6/2018 8:23 AM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL)–Shir wadajir ah oo u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran Siyaasadda dalka iyo Guddiga Farsamo ee Wada xaajoodka Arrimaha Federaalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

7/6/2018 7:37 AM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL)–Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay in qofkii dilay labada ruux ee ku cibaadaysanayay masaajidka Koonfur Afrika ku yaalla uu ahaa qof maskaxda ka xannuunsan oon aragti argagixiso lahayn.

7/6/2018 6:33 AM EST
Jicmo, July, 06, 2018 (HOL)–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khamiistii shalay kormeer ku tagey Dugsiga tababarka Ciidamada Gen. Gordon ee Magaaladan Muqdisho, halkaasoo ay horay u maamulayeen Imaaraadka Carabta.

7/6/2018 3:08 AM EST
Jicmo, July, 06, 2018 (HOL)–Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag ku hubeysan bastoolado ku toogeen degmada Dayniile ee gobolkan Banaadir Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliyeed.

7/6/2018 1:07 AM EST
Jicmo, July, 06, 2018 (HOL)–Waxaa maalintii shalay si rasmi ah looga daah-furay dalka Jabuuti Aaga Ganacsiga xorta ah ee jabuuti ee Shiinuhu dhisayo, kaasoo ah kan ugu weyn guud ahaan marka la eego qaarada Africa.

7/6/2018 12:53 AM EST
Jicmo, July, 06, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay halkaa gaareen dad ka barakacay dagaalo labadii maalmood ee la soo dhaafay qeybo ka mid ah gobolka ku dhaxmarayay xoolo dhaqato iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

7/6/2018 12:41 AM EST
Jicmo, July, 06, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in ay ku xadgudubtay xuquuqda Aadanaha, islamarkaana mudaddii ay jirtay geysatay Xadgudubyo badan oo ka dhan ah Xuuquuqda Aadanaha.