9/24/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 6 , 2018
Kheyre oo booqday dugsiga tababarka Jen Gordon


 

Jicmo, July, 06, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khamiistii shalay kormeer ku tagey Dugsiga tababarka Ciidamada Gen. Gordon ee Magaaladan Muqdisho, halkaasoo ay horay u maamulayeen Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xerada kula hadlay ciidamada ka tirsan Guutada 14-ka October ee CDS oo uu Xeradaasi tababar ugu soconayay ayaa sheegay in dal kasta oo burbur kasoo kabsanaya ay ciidankiisu yihiin kuwa bad-baadiya naftoodana u hura.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada difaaca iyo amniga, abaanduulaha Ciidanka iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa halkaasi Qado kula qaatay, isagoo xog warastay qaar kamid ah Askarta si uu wax badan uga ogaado noloshooda, tababarka ay qaadanayaan iyo sida ay heeganka ugu yihiin difaaca Dalka iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah.

“Dal burburay waxaa dhisi kara ciidan, nabad la waayay waxaa soo celi kara ciidan, dawlad taag daran waa quwad iyo xoog u yeeli kara ciidan.

Cawdawga dibadda iyo gudaha laguma difaaci karo qabiil ee waxaa lagu difaaci karaa ciidan qaran oo idinka oo kale ah.

''Maanta dalkeenna waxaa bad-baadin kara ciidan aan daacad u aheyn qabiil, qolo iyo dan gaar ah”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre.

Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa ciidamada u ballan qaaday in xaquuqda ay qaranka ku leeyihiin u heli doonaan si joogta ah si lamid ah shaqaalaha iyo Hawl-wadeennada kale ee dawladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday diyaar garow ciidan, waxaana dhowr jeer tababar loo soo gabagabeyeay ciidamo kala duwan, illaa iyo haddana dowladda wax duulaan ah kuma qaadin Al-shabaab, marka laga reebo in madaxda dowladda oo kormeera xeryaha ciidamada, iyagoo xiran dharka ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
7/6/2018 2:50 PM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL)–Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa toban sano oo xabsi ah ku xukuntay ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Nawaz Sharif, kaddib markii ay ku heshay dambi ah eedeymo musuqmaasuq.

7/6/2018 1:17 PM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL)–Baarlamaanka Midowga Yurub oo kulan yeeshay ayaa war uu ka soo saaray xaalada Soomaaliya, waxaa uu ku dalbaday in Soomaaliya laga daayo fara-galinta shisheeye ee lagu hayo.

7/6/2018 10:01 AM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray Carta oo ah magaaladii marti galisay shirkii dib-u-heshiinta Soomaaliya ee lagu yagleelay Dowladdii kumeel gaarka ahayd sanadkii 2000.

7/6/2018 8:23 AM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL)–Shir wadajir ah oo u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran Siyaasadda dalka iyo Guddiga Farsamo ee Wada xaajoodka Arrimaha Federaalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

7/6/2018 7:37 AM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL)–Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay in qofkii dilay labada ruux ee ku cibaadaysanayay masaajidka Koonfur Afrika ku yaalla uu ahaa qof maskaxda ka xannuunsan oon aragti argagixiso lahayn.

7/6/2018 7:25 AM EST
Jimco, July, 06, 2018 (HOL)–Xildhibaannada maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

7/6/2018 3:08 AM EST
Jicmo, July, 06, 2018 (HOL)–Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag ku hubeysan bastoolado ku toogeen degmada Dayniile ee gobolkan Banaadir Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliyeed.

7/6/2018 1:07 AM EST
Jicmo, July, 06, 2018 (HOL)–Waxaa maalintii shalay si rasmi ah looga daah-furay dalka Jabuuti Aaga Ganacsiga xorta ah ee jabuuti ee Shiinuhu dhisayo, kaasoo ah kan ugu weyn guud ahaan marka la eego qaarada Africa.

7/6/2018 12:53 AM EST
Jicmo, July, 06, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay halkaa gaareen dad ka barakacay dagaalo labadii maalmood ee la soo dhaafay qeybo ka mid ah gobolka ku dhaxmarayay xoolo dhaqato iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

7/6/2018 12:41 AM EST
Jicmo, July, 06, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in ay ku xadgudubtay xuquuqda Aadanaha, islamarkaana mudaddii ay jirtay geysatay Xadgudubyo badan oo ka dhan ah Xuuquuqda Aadanaha.