4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 6 , 2018
Rag hubeysan oo toogasho ku dilay mid ka mid ah ergadii soo xushay xildhibaannada

 

Jicmo, July, 06, 2018 (HOL) – Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag ku hubeysan bastoolado ku toogeen degmada Dayniile ee gobolkan Banaadir  Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Nabadoonka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Deerow Dhaqane Maxamed, iyadoo dadkii ka danbeeyay dilkiisa goobta ka baxsadeen.

Waxaa dilka nabadoonka markii danbe sheegtay Al-shabaab, waxaana ay sheegeen in ay beegsadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa dilka kaddib goobta gaaray,iyaga oo sameeyey howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas, wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku dhigaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]