4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 6 , 2018
Barkacayaal gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug

 

Jicmo, July, 06, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay halkaa gaareen dad ka barakacay dagaalo labadii maalmood ee la soo dhaafay qeybo ka mid ah gobolka ku dhaxmarayay xoolo dhaqato iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Maamulka degmada Hobyo ayaa sheegay in ku dhawaad 100 ruux in saacaddihii lasoo dhaafay ay gaareen degmada Hobyo, kuwaa soo kasoo cararay deegaanka Caad.

Dagaalka oo u dhaxeeya Al-shabaab iyo dadka deegaanka ayaa xoogeystay, waxaana dadka degaanka iyo Al-shabaab ay wali ku dagaallamayaan degaankaasi.

Saacaddihii l asoo dhaafay ayaa waxaa dhacay dagaallo culus, iyadoona dadka degaanka ay ku guuleysteen in ay Shabaab ka qabsadaan degaanadii lagu dagaallamay.

Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka kasoo barakacay dagaallada ka socda degaanka Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]