4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 6 , 2018
Midowga Yurub oo eedeyn dhinaca xuquuqda Aadanaha ah u jeediyay dowladda Federaalka

 

Jicmo, July, 06, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in ay  ku xadgudubtay Xuquuqda Aadanaha, islamarkaana mudaddii ay jirtay  geysatay Xadgudubyo badan oo ka dhan ah Xuuquuqda Aadanaha.

Kulan yeesheen Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa lagu meelmariyay Qaraar ka hadlaya in dowladda Soomaaliya ay hareer martay Hanaanka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha,islaamrakana ay jiraan Xadgudubyo loo geystay dad Shacab ah.

Baarlamaanka Midowga Yurub waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka gaartay heerkii ugu hooseeyay Xoriyatul Qowlka, Waxaana Baarlamaanku sheegay in ay jirto Caburin lagu haayo Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay ilaaliso Xuquuqda Aadanaha,islamarkaana hadii ay dhici weyso ay ka fiirsan doonaan taageeradda la siiyo Soomaaliya,iyagoo si deg deg ah ugu baaqay in la saxo qaladaadka jira.

Sidoo kale Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay maamul goboleedyadda in ay geysteen Bilihii lasoo dhaafay Xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha oo ay ugu horreyso caburinta Wariyaasha.

Faaah faaahin dheeraad ah oo warkan ku saabsan iyo jawaabta dowladda federaalka waan idin soo gudbin doonaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]