Ra’iisal Wasaare Khayre, "Dhaqaalaha Wadanka Lama Kobcin Karo Hadii dadku Aysan Xirfad Laheyn"
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Ra'iisal Wasaaraha
Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galay munaasabadda
dib-u-howl gelinta machadka isgaarsiinta qaranka oo lagu qabtay magaalada
Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay in la helo xirfadlayaal Soomaaliyeed
oo ka qeyb qaata horumarka dalka iyo kobac dhaqaalaha.
“Waxa aan rabnaa in aan la tartanno dunida, waxa aan
rabnaa dalkeenna iyo dadkeenna in aan horumarinno. Waxa aan rabnaa in
dhaqaalaha waddanka kobcinno, dhaqaalaha wadankana lama kobcin karo hadii aan
la helin dad xirfadlayaal ah. Maadaama aan rabno in aan dhaqaalaha wadanka
kobcinno, qof waliba oo Soomaali ah uu isku filnaado, noloshiisu ay
wanaagsanaato si dalka iyo dowladnimada uu u jeclaado una difaaco waxaa loo
baahanyahay in dadku xirfad yeeshaan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Ra’iisul Wasarha ayaa aad ugu celceliyay in ay Muhiim tahay
in la bedelo dhaqankii hore ee ahaa nin jecleysiga, qabyaaladda iyo
musuq-maasuqa, laguna bedelo waxqabad iyo daacadnimo.
“Marka aan machadka isgaarsiinta dib u fureyno, dawladda
nagu dheggan ee Jabuuti waxa ay maanta isugu yeertay madaxda Afrikaanka ah si
ay tusiso balaayinnta doollar ee ay ku maalgashadeen ganacsiga, dawladda Kenya
waxa y dhoofineysaa Shidaal, dawladda Ethiopia sidaas oo kale. Waxaa la rabaa
dadka Soomaaliyeed in ay hurdada ka kacaan oo la xisaabtamo. Qabyaalada aan
qarranimo ku bedelno, laaluushka iyo Musuq-maasuqa aan daacanimo ku bedelno,
Fadhi ku dirirkana aan shaqo ku bedelno”, ayuu ku boorriyay ka qeyb galayaasha
Munaasabadda.
Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo
Teknoolojiyadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan, oo ka hadlay
munaasabadda ayaa sheegay in dib u furitaanka Machadka ay qiima weyn ugu
fadhido Hawl-wadeennada wasaaradda, dawladda Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka
Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku reja weyntahay
in kaadiriinta lagu tababarayo Machadka Isgaarsiinta qaranka ay musqabalka
horumariyaan Software aduunka loo dhoofiyo, waxa uuna ka dalbaday hey’adaha
isgaarsiinta in ay taageeraan machadka.
Machadka Isgaariinta qaranka oo qeyb ka ah wasaaradda
Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda waxaa la'aasaasay June 28, 1976, si
loogu tababaro shaqaalaha isgaarsiinta ee isugu jira Farsamayaqaannada iyo
injineerada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]