Muuse Biixi iyo Madaxa ICRC oo ka wada hadlay arrimaha maxaabiista ee dagaalka Tuko-raq
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Guddida caalamiga
ah ee ICRC ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland,waxaanay ka wada
hadleen maxaabiistii Somaliland ku qabatay dagaalkii Tuko-raq, in xabad joojin
la sameeyo iyo sidii ay xafiis uga furan lahayd Somaliland.
Kulankani waxaa uu ka dhacay xafiiska
madaxweynaha, waxaana weftigan ICRC ee laanqeyrta cas hogaaminayey Madaxa
Guddida Caalamiga ee Laanqeyrta Cas, Mr. Simon Brooks.
Sida uu afhayeenka madaxweynuhu warbaahinta u
sheegay waxa uu madaxweynuhu warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka,
waxaana laga wada hadlay qodobbo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii loo
xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo ICRC, isla markaana ay
xafiis uga furan lahayd Somaliland, waxa kale oo laga wada hadlay arrinta
maxaabiistii Soomaaliya ee dagaalka Tuka- raq ay Somaliland ku qab-qabatay, oo
ay Somaliland ku ammaaneen siday ula dhaqantay maxaabiistaasi dagaalka iyo
sidii xal waara loogu heli lahaa xabbad joojinta dagaalka Somaliland iyo
Soomaaliya ku dhexmaray deegaanka Tuka-raq ee gudaha Somaliland.
“Madaxweynuhu wuxu u sheegay weftiga in marwalba
maxaabiista si wacan ula dhaqmaan oo ay ku tahay mid waajib islaamiya iyo mid
dhaqanka Somaliland ah, marnabana aanay suurto gelayn in si xun loola dhaqmo
maxaabiista dagaalka, iyadoo taa ka duulaysana Somaliland ay u ogolaatay
ehellada maxaabiistaasi inay booqan karaan una yimaadaan.”ayuu yidhi afhayeenka
madaxweynuhu Maxamuud Warsame Jaamac.
Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu ka hadlay qodob
ay ka hadleen weftigu oo ahaa in xabad joojin laga sameeyo Tuka-raq, waxa uu u
sheegay in Hadalka ka soo yeedhay Farmaajo ee xabbad joojintu uu yahay tallaabo
hore loo qaaday, kana mid ahaa qodobadii Qaramada Midoobay iyo beesha
Caalamkuba ay soo jeediyeen in la fuliyo, Somaliland-na dhinaceeda beesha
caalamka ay hore uga aqbashay.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.