3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2018
Xabsigii Mandela oo habeenkii lagu kireynayo $250,000

 

Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Waxaa dalka Koonfur Afrika lagu qabtay carwo lagu kireynayo xabsigii uu mudada dheer ku xirnaa madaxweynihii hore ee dalkaas Nelson Mandela, waxaana habeenkii lagu seexanayaa lacag dhan $250,000 ama rubuc malyuun doolar.

Waxaa halkii habeen ku hoyanaya xabsigan illaa 67 qof , halkaas oo ahayd xabsi si weyn loo illaaliyo.

Mandela ayaa 18 sano ku jiray xabsiga, isaga oo wadarta guud xirnaa 27 sano, muddooyin kalena kusoo qaatay xabsiyo kale.

Hay'ad lagu magacaabo CEO Sleepout , taas oo doonaysa in ay xusto maalinta Mandela oo ku beegan 18-ka bishan .

Mandela oo u xirnaa, lana dagaalamay nidaamkii midab takoorka Koonfur Afrika ayaa geeriyooday sanadkii 2013-kii isaga oo 95 jir ah, wuxuuna sanadkan noqon lahaa 100 sano jir.

Dadka yabooha xabsiga ku tartamaya ku hoyashada xabsiga ayaa qofka bixiya lacagta ugu badan waxa uu habeen ku hoyanaya isla qolkii lagu hayay Madela, wuxuuna ku seexanayaa sariirtiisii.

Illaa 3 sariirood ayaa illaa hadda lasoo bandhigay, balse xabsiga oo leh sariiro kale oo badan ayaa laga yaabaa in kuwa kale oo badane la kireeyo.

Xabsiga waxa uu ku yaalaa jasiiradda Robben Island, taas oo ka baxsan magaalada Cape Town, dhinac kastana ay biyaha badda uga hareereysanyihiin.

Sifada kaliya ee lagu tagi karo ayaa ah gaadiidka badda, waxaana jira rixlooyin doomo waaweyn ah oo maalin kasta geeya boqolaal dalxiisayaal ah.

Jasiiradda ayaa ah meel degaan ah oo ay degenyihiin dad shacab ah, waxaana ka dhacda doorashooyinka dalka Koonfur Afrika.

Balse dadka degen ayaa aad u yaraanayay kadib markii ay gabaabsi noqdeen kaydkii biyaha macaanaa ee jasiiradda, waxaana loo baahday in biyo macaan looga keeno magaalada xitaa sanado ka hor intii magaalada Cape Town uusan ka dhicin qalalaasaha biyo la'aanta.

Jasiiradda waxa ay noqotay goob Hiddo-Dhawr ah oo ay aqoonsantahay hay'adda dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee UNESCO, waxkasta oo halkaas yaalana waxaa lagu illaaliyay shuruucda Qaramada Midoobay.

Maalinta Mandela ayaa waxaa aqoonsatay Qaramada Midoobay sanadkii 2009-kii, sanadkastana waxaa laga xusaa dalka Koonfur Afrika. Waxa dadka ay sameeyaan adeeg bulsho muddo 67 daqiiqo ah oo ka dhigan 67-dii sano ee uu halganka ku jiray noloshiisa.

Xigasho BBC













Click here
7/5/2018 10:34 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jabuuti halkaas oo uu ka furmay Shirka Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.

7/5/2018 9:06 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Wasiirka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur oo maalmihii u danbeeyay safar shaqo ku marayay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo, halkaa oo uu ka waday kulamo wadatashi ah oo ku saabsan amniga oo uu la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta degmada Luuq kulan kula qaatay masuuliyiinta maamulka degmadaasi, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

7/5/2018 8:05 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Ra'iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galay munaasabadda dib-u-howl gelinta machadka isgaarsiinta qaranka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay in la helo xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ka qeyb qaata horumarka dalka iyo kobac dhaqaalaha.

7/5/2018 7:29 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL)–Guddida caalamiga ah ee ICRC ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland,waxaanay ka wada hadleen maxaabiistii Somaliland ku qabatay dagaalkii Tuko-raq, in xabad joojin la sameeyo iyo sidii ay xafiis uga furan lahayd Somaliland.

7/5/2018 5:16 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL)–Baarlamaanka Itoobiya ayaa fadhi deg-deg ah oo goor dhow yeeshay ku ansixiyay qaraar ay Golaha wasiirada u soo gudbiyeen, kaasoo ahaa in liiska argagixisada laga saaro ururada hubeysan ee mucaaradka ku ahaa dalkaas.

7/5/2018 4:12 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL)–Hey’adda u dooda Xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ka soo saartay xaalada xabsiyada dalka Itoobiya oo jirdil loogu geysto maxaabiista.

7/5/2018 3:25 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Al-shabaab rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad shacab oo ka baxsanayay dagaal ka dhacay deegaan lagu magacaabo Caad oo iska horimaad uu ku dhaxmaraay xoolo dhaqato iyo Al-shabaab.

7/5/2018 1:46 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL)–Kulan looga hadlayay dardar-galinta Amniga magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

7/5/2018 1:33 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay xilli dambe isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, iyadoo ay ku jiraan xubno cusub Golaha Wasiiradda ka mid noqday.

7/5/2018 1:19 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL)–Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Jabhada ONLF in muddo ahna u xirnaa dowladda Itoobiya ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaddib markii dhawaan la sii daayay.