Human Rights Watch oo war ka soo saartay tacadiyada ka jira xabsiga Jeel Ogaadeeniya
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Hey’adda u dooda
Xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ka soo saartay xaalada
xabsiyada dalka Itoobiya oo jirdil loogu geysto maxaabiista.
Warbixintan oo aheyd mid aad u dheer kana
koobneyd 88 bog ayaa lagu eedeeyay
ciidamada Liyuu Boolis loo yaqaano ee ilaaliya Xabsiga Jeel Ogaadeeniya ay
tacadiyo u geystaan maxaabiista.
Hay’adda ayaa sheegtay in maxaabiista xabsiyada
lagu guro iyagoo aan wax maxkamad la soo
taagin, sidoo kale inta badan maxaabiista ayaa ah kuwo lala xiriiryo Jabhadda
ONLF.
Human Rights Watch ayaa sheegay in wareysiyo laga
qaaday in ka badan 100 qof oo ka mid ahaa maxaabiistii soo maray jeel
Ogaadeeniya ay ka sheekeeyeen dhibaatooyinkii loogu geystay xabsiga, sida
jirdil iyo waxyaabo ka baxsan anshaxa.
Mid ka mid ah maxaabiisti ku xirneyd xabsigaas
ayaa sheegay in saddex sano uu ku xirnaa kaligiis qol mugdi ah, isla markaana
laga soo saari jiray xilliyada habeenkii, si loo jirdilo.
Warbixinta hay’adda Human Rights Watch ayaa
sheegaysa in caruur badan ay ku dhasheen xabsiga Jeel ogaadeeniya, islamarkana
caruurtaasi sida la sheegay qaarkood ay ahaayeen kuwa ka dhashay kufsi ay
gaysteen ilaalada xabsiga.
Qaar ka mid ah maxaabiista haweenka ah ayaa
sheegay in ay xabsiga ku dhex umuleen iyaga oo aan helin adeeg caafimaad.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhowaan
mar uu la hadlayay baarlamaanka Itoobiya sheegay in ciidamada ammaanka ay
jirdil u geysteen maxaabiista.
Itoobiya ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ka
dhacayay isbedelo kala duwan, iyadoo xabsiga laga sii daayay boqolaal maxaabiis
u xirnaa siyaasadda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]