4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2018
Human Rights Watch oo war ka soo saartay tacadiyada ka jira xabsiga Jeel Ogaadeeniya

 

Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Hey’adda u dooda Xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ka soo saartay xaalada xabsiyada dalka Itoobiya oo jirdil loogu geysto maxaabiista.

Warbixintan oo aheyd mid aad u dheer kana koobneyd 88 bog ayaa lagu eedeeyay ciidamada Liyuu Boolis loo yaqaano ee ilaaliya Xabsiga Jeel Ogaadeeniya ay tacadiyo u geystaan maxaabiista.

Hay’adda ayaa sheegtay in maxaabiista xabsiyada lagu guro iyagoo aan wax maxkamad la soo taagin, sidoo kale inta badan maxaabiista ayaa ah kuwo lala xiriiryo Jabhadda ONLF.

Human Rights Watch ayaa sheegay in wareysiyo laga qaaday in ka badan 100 qof oo ka mid ahaa maxaabiistii soo maray jeel Ogaadeeniya ay ka sheekeeyeen dhibaatooyinkii loogu geystay xabsiga, sida jirdil iyo waxyaabo ka baxsan anshaxa.

Mid ka mid ah maxaabiisti ku xirneyd xabsigaas ayaa sheegay in saddex sano uu ku xirnaa kaligiis qol mugdi ah, isla markaana laga soo saari jiray xilliyada habeenkii, si loo jirdilo.

Warbixinta hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegaysa in caruur badan ay ku dhasheen xabsiga Jeel ogaadeeniya, islamarkana caruurtaasi sida la sheegay qaarkood ay ahaayeen kuwa ka dhashay kufsi ay gaysteen ilaalada xabsiga.

Qaar ka mid ah maxaabiista haweenka ah ayaa sheegay in ay xabsiga ku dhex umuleen iyaga oo aan helin adeeg caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhowaan mar uu la hadlayay baarlamaanka Itoobiya sheegay in ciidamada ammaanka ay jirdil u geysteen maxaabiista.

Itoobiya ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay isbedelo kala duwan, iyadoo xabsiga laga sii daayay boqolaal maxaabiis u xirnaa siyaasadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]