4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2018
Al-shabaab oo la sheegay in ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab ah

 

Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Al-shabaab rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad shacab oo ka baxsanayay dagaal ka dhacay deegaan lagu magacaabo Caad oo iska horimaad uu ku dhaxmaraay xoolo dhaqato iyo Al-shabaab.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii dagaal u dhaxeeyay shacab iyo A-shabaab wuxuu ka dhacay deegaanada Caad iyo Camaara, kadib markii Shabaab dadka degaanka ay ku amreen inay bixiyaan lacagta Shabaab ay u yaqaanaan Sakawaadka, balse dadka ayaa ka biyo diiday arrintaasi.

Gaariga oo marayay wadada xiriirisa Caad iyo Camaara oo Shabaab difaac halkaasi ay kaga jiraan ayaa mar kaliya waxa ay rasaas ku fureen gaariga, waxayna taasi keentay inay dhintaan laba gabdhood oo wada dhashay oo xabadahii ay ku dhaceen.

Wararku waxaa ay sheegayaan in meydadka labo ruux oo ku dhintay loo qaaday degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, masuuliyiin u hadashay maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in Caad iyo Camaara ay u dirayaan ciidan la dagaalama Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]