4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2018
Kulan ku saabsan xasilinta caasimada oo Muqdisho lagu qabtay

 

Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Kulan looga hadlayay dardar-galinta Amniga magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu ugu horeeyo Wasiirka arrimaha gudaha, Xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya, Saraakiil ciidan iyo xubno kale.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa aad looga hadlay sida ugu sahlan ee loo dardargelin karo sugidda amniga magaalada Muqdisho, iyada oo ay iskaashanayaan ciidamada amniga iyo shacabka.

Intii uu kulanku socoday waxaa warbixinno laga dhageystay guddoomiyayaasha degmooyinka iyo saraakiisha ammaanka kuwaa oo si guud uga hadlay halka ay marayaan howlgallada lagu sugayo amniga magaalada.

“Shirka oo socday mudo saacado ah ayaa waxaa looga dooday sidii sida ugu dhaqsiyaha baan loogu bilaabi lahaa wajiga labaad ee hawlaha xasilinta caasimadda, maamulka gobolka wuxuu ka qaadanayaa wixii looga baahnaa, waxaan diyaar u nahay in la arko magaalada oo nabad ah, waxaan rajeyneynaa in wajiga labaad ee xasilinta marka uu bilowdo in magaalada si weyn looga dareei doono.” ayuu yiri Xog-hayaha guud ee gobolka Banaadir.

Shirkan ka dhacay Aqalka Dowladdda Hoose ee Xamar ayaa qeyb ka ah kulamo maalmihii dambe lagu qabanayay magaaladfa Muqdisho, waxaana looga hadlayay xoojinta amniga caasimadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]