3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2018
Qalbi Dhagax oo lagu soo dhaweeyay magaalada Nairobi

 

Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Jabhada ONLF in muddo ahna u xirnaa dowladda Itoobiya ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaddib markii dhawaan la sii daayay.

Siyaasiga C/kariin (Qalbi-dhagax) oo Khamiistii ina dhaaftay laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, siyaasiga Faarax Macalin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida lagu arkay muuqaalo iyo sawiro la soo geliyay baraha bulshada dadweynaha ka qeyb qaatay soo dhaweynta C/kariin ayaa waxaa ay wateen calanka Soomaaliya, Sawirka (Qalbi-dhagax) iyo boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ku amaanayeen Qalbi-dhagax.

Waxaa uu ka mahad celiyay soo dhoweynta loo soo sameeyay, isagoo gacan qaaday dadweynihii soo dhoweeyay, wuxuuna xalay si gaar ah kulamo ula yeeshay xildhibaanada iyo siyaasiyiinta soo dhaweeyay.

Sii deynta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa waxaa ka dambeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Ali, oo bilooyin kahor qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi.

Tan iyo markii uu talada dalka Itoobiya uu la wareegay Ra’iisul Wasaare Aby Ahmed Ali ayaa wuxuu la yimid siyaasad ku dhisan furfuran, wuxuuna sii daayay Kumanaan Maxaabiis ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/5/2018 10:34 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jabuuti halkaas oo uu ka furmay Shirka Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.

7/5/2018 9:06 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Wasiirka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur oo maalmihii u danbeeyay safar shaqo ku marayay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo, halkaa oo uu ka waday kulamo wadatashi ah oo ku saabsan amniga oo uu la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta degmada Luuq kulan kula qaatay masuuliyiinta maamulka degmadaasi, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

7/5/2018 8:05 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Ra'iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galay munaasabadda dib-u-howl gelinta machadka isgaarsiinta qaranka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay in la helo xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ka qeyb qaata horumarka dalka iyo kobac dhaqaalaha.

7/5/2018 7:29 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL)–Guddida caalamiga ah ee ICRC ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland,waxaanay ka wada hadleen maxaabiistii Somaliland ku qabatay dagaalkii Tuko-raq, in xabad joojin la sameeyo iyo sidii ay xafiis uga furan lahayd Somaliland.

7/5/2018 5:16 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL)–Baarlamaanka Itoobiya ayaa fadhi deg-deg ah oo goor dhow yeeshay ku ansixiyay qaraar ay Golaha wasiirada u soo gudbiyeen, kaasoo ahaa in liiska argagixisada laga saaro ururada hubeysan ee mucaaradka ku ahaa dalkaas.

7/5/2018 4:23 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL)–Waxaa dalka Koonfur Afrika lagu qabtay carwo lagu kireynayo xabsigii uu mudada dheer ku xirnaa madaxweynihii hore ee dalkaas Nelson Mandela, waxaana habeenkii lagu seexanayaa lacag dhan $250,000 ama rubuc malyuun doolar.

7/5/2018 4:12 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL)–Hey’adda u dooda Xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ka soo saartay xaalada xabsiyada dalka Itoobiya oo jirdil loogu geysto maxaabiista.

7/5/2018 3:25 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Al-shabaab rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad shacab oo ka baxsanayay dagaal ka dhacay deegaan lagu magacaabo Caad oo iska horimaad uu ku dhaxmaraay xoolo dhaqato iyo Al-shabaab.

7/5/2018 1:46 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL)–Kulan looga hadlayay dardar-galinta Amniga magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

7/5/2018 1:33 AM EST
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay xilli dambe isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, iyadoo ay ku jiraan xubno cusub Golaha Wasiiradda ka mid noqday.