4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2018
Wafdi ka socda Qatar oo tagay dekedda Hobyo


Arbaco, July, 04, 2018 (HOL)–Degmada Hobyo ee gobolka Mudug waxaa maanta gaaray wafdi ka socda dalka Qatar oo maalintii shalay gaaray magaalada Muqdisho, kuwaa oo idha-dheyn iyo qiimey ku sameynayay dekedda qadiimiga ah Hobyo.

Wafdiga ayaa la sheegay in ay daneynayaan maalgashi ay ku sameeyaan dekedda Hobyo oo muddo dheerba aan shaqeyn, islamarkaana u baahan dib u habeyn in la howlgaliyo.

Waftigan oo shalay Muqdisho yimid ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay kala hadleen sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dekadaha Soomaaliya qaarkood.

Dekeddaha Soomaaliya ayaa hadda u muuqda kuwo wajahaya tartanka ganacsi iyo maal-gashiyo shisheeye iyada oo ay ku tartamayaan shirkaddo iyo dowladdo dhinac marka laga eego siyaasad ahaan aan isku wanaagsaneyn sida Qatar iyo Imaraadka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]