4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2018
Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Sool oo xilkii wareejiyey

 

Arbaco, July, 04, 2018 (HOL) – Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa xilkii taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sool u kala sareejiyey Taliyihii hore iyo ku xigeenkiisii.

Xilwareejintan oo ka dhacday xarunta qaybta Booliska Gobolka Sool ayaa waxaa ka hadlay Taliyihii xilka Wareejinayey G/sare C/risaaq Maxamed Faarax oo sheegay in uu maanta si buuxda xilkii ciidanka uu ku wareejiyey taliye Xigeenka qaybta oo ah kusimaha taliyaha loo soo magcaabay oo aan weli soo gaadhin Gobolka.

C/risaaq waxa uu sheegay in meel wacan ay marayso xaalada amaanka Gobolka, waxaanu ka codsaday in sidii ay ula shaqaynayeen ay ula shaqeeyaan.

G/lle Maxamed Cali Ciise ku simaha taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sool oo hadal kooban jeediyey ayaa waxa uu balan qaaday in uu si daacad ah uu bulshada ugu adeegi doono, waxaanu ka codsaday in garab la siiyo.

"Waxaanu markhaati ka nahay in maanta xilkii taliyaha qaybta Booliska uu la wareegey taliye Xigeenka oo ah kusimaha taliyaha qaybta oo imaandoona" sidaa waxaa yidhi Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirrir.

Taliyaha xilka wareejiyey oo sida ay dadka intooda badan qirayaan inuu ahaa sarkaalkii ugu miisaanka cuslaa, isla markaan ku soo beegmay xili xiisad colaadeed Gobolka ka taagnaa taas oo mudadii uu joogey si macquuliyad ah u maarayn jirey, taasina waa ta sababtay in Bulshada rayidka ahi ay Shahaado sharaf saaka ku gudoonsiiyaan.

Saynab Cabdi Warsame
Laascaanood