4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2018
Ra’iisal Wasaare Khayre oo daah-furay kulanka wadatashiga siyaasadda loo dhanyahay

 

Arbaco, July, 04, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa daah-furay kulanka wadatashiga Qorshe wadaagga guddiga wada xaajoodka iyo Hey’addaha ku shaqada leh siyaasadda loo dhanyahay oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Kheyre ayaa sheegay in shirkaan uu muhiimmad gaar ah u leeyahay ummada Soomaaliyeed lagana doonayo ka qeyb galayaasha in ay la yimaadaan wax qabad muuqda, si natiijo wanaagsan uga soo baxdo.

“Howsha aad isugu timaadeen waxaa ay ka tarjumeysa mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed. Waa bud-dhigga qaranimada Soomaaliya. Waxaa aad isugu timaadeen sidii ummadda Soomaaliyeed aad ugu sameyn lahaydeen mustaqbal ka duwan kan aan hadda heysanno” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Meeshaan aad fadhidaan waxa ay ka tarjumeysaa in aad fursad u leedihiin in aad qeyb ka tahihiin qaabeynta dastuurka ay ummada Soomaaliyeed ku dhaqmeyso shanta boqol oo sano ee soo socota. Waxa ay ka tarjumeysaa in aad ka arrinsaneysaan ummada Soomaaliyeed sidii awoodda gacantooda loogu soo celin lahaa oo 2020-ka doorasho qof iyo cod ah ay u ga dhici laheyd dalka iyo in la dhameestiro geedi socodka federaaleynta. Waxa aan rabaa in maalmaha aad halkaan isugu imaaneysaan aysan idinka xummaan, Saacadi in aysan idinka khasaarin. Maskax shiil ayaa halkaan leesugu yimid”, ayuu Ra’iisal Wasaaruhu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha kulanka.

Kulanka wadatashiga Qorshe Wadaagga Guddiga wada Xaajoodka iyo Hey’adaha ku Shaqada leh Siyaasadda loo dhanyahay oo ay ka qeyb gelayaan dhammaan hey’adaha iyo wasaaradaha ku shaqada leh Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa loogu tala galay in uu socdo afar maalin uuna soo xirmo July 8, 2018.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]