4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2018
Wararkii ugu danbeeyay dagaal culus oo ka dhacay gobolka Mudug

 

Arbaco, July, 04, 2018 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saacado badan qaatay oo maanta ka dhacay deegaanka Caad ee Koofurta Mudug, kaasoo u dhaxeeyay maleeshiyo deegaanka ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaa in dadka deegaanka iska diideen amar uga yimid Al-shabaab oo ah in wiilashooda ku soo wareejiyaan Ururka iyo xoolaha oo laga qaado wax ay Al-shabaab ku tilmaamaan Zakawaat

Guud ahaan marka la eego xaalada deegaannadii lagu dagaalamay ayaa degan, waxaana deegaanka labo jeer gacan ku heyntiisa isku bedelay maleeshiyaadkii hubeysnaa iyo dagaalamayaasha Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in gurmad uga yimid dhanka Xarardheere ay ku guuleysatay inay ka saaraan deegaanka maleeshiyaadkii soo weeraray.

Warar lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in maleeshiyo soo weerareen deegaanka Caad, lagana saaray, iyagoo intaa raaciyay in ay dileen 15  ka tirsanaa kooxihii weerarka soo qaaday.

Laakiin dhinaca kale ma jirto cid u hadashay dadka deegaanka ee la dagaalamay Al-shabaab ama wax war ah oo maamulka Galmudug ay ka soo saareen dagaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]