4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2018
Dagaal u dhaxeeya Al-shabaab iyo xoolo dhaqato oo ka dhacay gobolka Mudug

 

Arbaco July, 04, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab uu ka socdo deegaanada Caad iyo Camaara.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii cadaadis ay dadka deegaanka ku saareen Al-Shabaab inay ku soo wareejiyaan xoolaha geella oo muddooyinkii u dambeeyay ay Shabaabka dadka xoolo dhaqatada ka qaadayeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay ka soo horjeedaan in xoolahooda lala wareego, isla markaana dhalinyaradooda la askareeyo.

Isgaarsiinta deegaanada Caad iyo Camaara ee lagu dagaalamayo ayaa ah mid adag, waxaana la soo sheegayaa in dagaalka uu weli ka socda.

Dadka deegaanada Mudug iyo Galgaduud ayaa dhowr jeer oo hore dagaalo la galay Al-Shabaab, iyadoo dagaaladaas salka ku hayeen Xoolaha Shabaabka u qaadaan Zakawaadka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]