4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2018
Duqa Muqdisho oo amar ka soo saaray xoolaha magaalada dhex jooga

 

Arbaco, July, 04, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa warqad uu soo saaray wuxuu amar ku siiyay bulshada ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan dadka xoolaha heesta ee xoolahooda magaalada u soo daaqsima taga.

Duqa Muqdisho ayaa Taariikhda amarakan uu soo baxay oo ah 03-da July 2018 oo shalay aheyd wuxuu faray dadka xoolahooda magaalada ku soo dhex daaya inay xafidtaan xoolahooda.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in dadkan iska leh xoolahan  in ay heystaan laba Todobaad oo digniin ah, wixii ka dambeeyana labadaas Todobaad ay muteysan doonto ganaax lacageed, cidii xoolaheeda ceshan weydo ee la ganaaxo muddo 3 jeer ah in lagala wareegi doono xoolaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]