Dowladda Soomaaliya : Waxaan ka hortageynaa hubka ay Al-shabaab kala soo degaan xeebaha Soomaaliya
Arbaco, July, 04, 2018 (HOL) – Dowladda
Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka hortageyso hubka Shabaab ay kala
soo dagaan xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan dhulka ay gacanta ku hayaan xoogaga Al-Shabaab.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya
C/naasir Siciid, ayaa wuxuu sheegay dadaalada dowladda Federalka Soomaaliya
iminka ay wado in ay tahay arrinta la xiriirta sidii dakadaha Soomaaliya hubka
ay kala soo dagaan Shabaab iyo Daacish looga hortagi lahaa.
Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in si
taallaabadaa loo suurtagaliyio dowladdu dhiseyso ciidamada badda Soomaaliya oo
si wayn loo tayeyn doono, si xeebaha Soomaaliya ay uga shaqeeyaan.
“In aan ka hortagno Ururada argagixisada adeegsiga ay adeegsanayaan baddan
Soomaaliya ee iska furan noqotay iyaga oo hub kala soo daga Gobolada qaybtooda,
kuna dhibaateeya shacabka Soomaaliya, arrimahaasi oo dhan markaan aragnay
waxaan istusnay in aan dhisno ciidamada illaalada Xeebaha Soomaaliya.” Ayuu
yiri Wasiir Ku xigeenka amniga Soomaaliya.
Hadalkaan ayaa Wasiir ku xigeenka dhanka amniga Soomaaliya wuxuu ka sheegay
kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen Wasiirada dhanka ammaanka ee Maamul
Goboledyada iyo kan dowladda dhexe, kaasi oo lagu lafa gurayay suurtagalnimada
in laga hortago hubka ay la soo dagaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda.
Al Shabaab ayaa hub badan waxa ay kala soo dagaan deegaano ka tirsan
Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan, hubkaasi oo badanaa
ay ka soo iibsadaan dalka Yemen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]