4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2018
Wasiirka difaaca Soomaaliya la kulmay saraakiil Mareykan iyo midowga Yurub isugu jira

 

Arbaco, July, 04, 2018 (HOL) –Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa xafiiskiisa kula kulmay saraakiil ka socota howlaglka Mareykanka ee Soomaaliya, Midowga Yurub iyo saraakiisha xeradda tabbabarada TURKISOM ee lagu tabbabaro ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Kulanka, ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta tayaynta iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo u diyaar garowga ka bixitaanka ciidanka AMISOM, kaas oo loogu magac daray qorshaha kala guurka.

Wasiirka Gaashaandhigga dalka ayaa sheegay in kulanka sidoo kale looga wada hadlay qorshaha wada shaqeyneyd ee arrintaas ku aadan oo ay wada yeelanayaan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo wadamada iyo hay’adaha caawiya dib u dhiska ciidamada xoogga dalka.

Kulanka, oo qaatay saacado badan, ayaa labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in qorshaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka ee Wasaaradda Gaashaandhigga ay hormuud ka tahay loo baahan yahayin si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]