3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay guddigii qaban-qaabada munaasabadaha maalmaha xoriyada

 

Arbaco, July, 04, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay waxa uu xarunta madaxtooyada ugu sameeyay casho sharaf guddigii qaban-qaabada munaasabadihii 26ka Juunyo iyo 1-da Luuliyo.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban oo mahadnaq ah goobta ka jeediyay ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay Guddiga Qabanqaabada, oo uu hormuud u ahaa wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, sidii habsamida lahayd ee ay uga soo dhalaaleen hawlihii loo igmaday.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay jiraan shakhsiyaad Soomaaliyeed oo naftooda u huray sidii ay u ilaalin lahaayeen taariikhda umadda Soomaaliyeed kuwaas oo mudan in mar walba la xuso si jiilka dambe ay u helaan dad ay kaga daydaan waddaniyadda iyo dal jacaylka.

Madaxweynaha ayaa xusay saddex sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo badbaadiyay dukumintiyadii yaallay xarumihii dowladda ee ay ka tirsanaayeen, wuxuuna ku sifeeyay saraakiishan in ay tusaale nool u yihiin waddaniyiin badan oo dhiig iyo dhaqaale usoo huray badbaadinta dalka.

Saraakiishan oo kala ah G/ Sare Jaamac Cilmi (Timir) oo badbaadiyay kaydka Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, G/ Sare Abshir Xaashi Cali oo gacanta ku hayay kaydka heesaha ee Radio Muqdisho iyo Dhamme Cabdi Maxamed Samatar (Cabdi Dheere) oo isna ilaaliyay dukumintiyadii muhiimka ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu dallacsiiyay min hal darajo.

“Saddexdan sarkaal waxaa ay qabteen in ay xafidaan taariikhda Soomaaliya oo ay ilaaliyaan sharafka iyo qarannimada Soomaaliyeed, xitaa in ay naftooda u huraan. waa mahad-sanyihiin, mana idin ilaawi doonno, qarankuna waa idiin abaal gudi doonaa” ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cashadan mahadnaqa ah ee uu Madaxweynuhu u sameeyay Guddigii Qaban-qaabada maalmaha xorriyadda waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, xubnaha Guddiga Qabanqaabada, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida, Hobollada Waaberi iyo Horseed iyo marti sharaf kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
7/4/2018 3:18 PM EST
Arbaco, July, 04, 2018 (HOL)–Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka dalka ee dowladda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa magaalada Nairobi heshiis horudhac ah kula gaaray Madaxa shirkaddaha Kalluumeysiga dibadda ee dalka Shiinaha.

7/4/2018 1:45 PM EST
Arbaco, July, 04, 2018 (HOL)–Degmada Hobyo ee gobolka Mudug waxaa maanta gaaray wafdi ka socda dalka Qatar oo maalintii shalay gaaray magaalada Muqdisho, kuwaa oo idha-dheyn iyo qiimey ku sameynayay dekedda qadiimiga ah Hobyo.

7/4/2018 9:38 AM EST
Arbaco, July, 04, 2018 (HOL)–Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa xilkii taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sool u kala sareejiyey Taliyihii hore iyo ku xigeenkiisii.

7/4/2018 9:00 AM EST
Arbaco, July, 04, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa daah-furay kulanka wadatashiga Qorshe wadaagga guddiga wada xaajoodka iyo Hey’adaha ku shaqada leh siyaasadda loo dhanyahay oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

7/4/2018 8:47 AM EST
Arbaco, July, 04, 2018 (HOL)–Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saacado badan qaatay oo maanta ka dhacay deegaanka Caad ee Koofurta Mudug, kaasoo u dhaxeeyay maleeshiyo deegaanka ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

7/4/2018 5:38 AM EST
Arbaco July, 04, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab uu ka socdo deegaanada Caad iyo Camaara.

7/4/2018 5:08 AM EST
Arbaco, July, 04, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa warqad uu soo saaray wuxuu amar ku siiyay bulshada ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan dadka xoolaha heesta ee xoolahooda magaalada u soo daaqsima taga.

7/4/2018 2:17 AM EST
Arbaco, July, 04, 2018 (HOL)–Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka hortageyso hubka Shabaab ay kala soo dagaan xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan dhulka ay gacanta ku hayaan xoogaga Al-Shabaab.

7/4/2018 1:52 AM EST
Arbaco, July, 04, 2018 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa xafiiskiisa kula kulmay saraakiil ka socota howlaglka Mareykanka ee Soomaaliya, Midowga Yurub iyo saraakiisha xeradda tabbabarada TURKISOM ee lagu tabbabaro ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

7/4/2018 1:34 AM EST
Arbaco, July, 04, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamada ka tiran Booliska Kenya shalay gelinkii dambe lagula eegtay deegaanka Lafey oo hoosyimaada degmada Mandheera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.