4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 4 , 2018
Qarax ciidamo ka tirsan Kenya lagula eegtay deegaan hoostaga degmada Mandhera

 

Arbaco, July, 04, 2018 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamada ka tiran Booliska Kenya shalay gelinkii dambe lagula eegtay deegaanka Lafey oo hoos-yimaada degmada Mandheera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Wararku waxaa ay sheegayaaan in  in qarax miino uu tuulada Sheekh Baroow ku qabsaday mid ka mid ah gaadiid kolonyo ahaa oo ay wateen ciidamada Kenya, halkaas-na uu ku burburay gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidanka.

Al-shabaaab ayaa warar ay ku faafiyeen bogagga Internetka waxaa ay sheegteen mas’uuliyadda iyaga oo sheegay in marka laga soo tago burburka gaariga in ay xaqiijin karin khasaaraha ciidamada Kenya ka soo gaaray qaraxaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay ka soo baxaya deegaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah ay soo gaareen, kuwaasi oo bilaabay ka daba tagga ragga weerarkan soo maleegay.

Xoogaga Shabaab ayaa inta badan qaraxyada miinooyinka iyo weerarada dhabagalka ah waxa ay u dhigaan ciidamada Kenya ee ku socdaala magaalooyinka gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]