3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2018
Puntland: Deegaanka Garacad oo deked laga-dhagax-dhigey


Talaado, July, 31, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isimmo iyo waxgarad kale ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigey deked ganacsi oo laga hirgalinnayo deegaanka Garacad ee gobolka Mudug iyo waddo laami ah oo ku xireysa degmada Galdogob, waxaa la sheegay dekedda iyo waddada in lugu dhisayo isku-tashi bulsho, taas oo ka dhigeysa mashruucii ugu ballaarna oo bulshadu si isku-tashi ah ku dhisto.

"Maanta saxan-saxada iyo uduga ayaan ka gartaa inay hirgalayso dekeda Garacad, maanta Puntland oo dhan baa halkan timid maraan fogeyna Soomaali oo dhan baa imaanaysa, dekedaasi marka ay dhisanto ma noqonayso mid heer, mid dagmo, mid Soomaaliya ma noqonayso ee waxay noqon mid mandiqada oo dhammiay ka faaidaystaan." ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda dhagax-dhigga dekedda.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mid ah isimmada Puntland ee wax- ka dhagax-dhigey dekedda ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadda ku dhaliilay dowladda Federaalka oo lugu casuumay dhagax-dhiga mashaaricda inaysan ka soo qeybgalin.

"Waxaan annigu la hadlay oo afkeyga kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya oo aan u sheegney inaanu diyaariney inan meeshan Garacad aannu ka dhagax- dhigeyno deked -wuu soo dhaweeyay waan tashaneyna buu igu yiri waa igu soo celiyay wuxuu igu yiri waxaa idin imaanaya ra'iisul wasaaraha ... runtii nasiib darro ra'iisul wasaaruhu Puntland buu jooga meel aan naga fogeyn buu jooga inomana imaan maanta aadban uga xunnahay runtii 100% mana filayo inay heli doonan sabab lugu qanco oo ay arrinta ku gudi doonan ... madaxda aan halkan ku casuunay waxan u heysannay madax qaran oo umadda Soomaaliyeed oo dhan u dhaxeysa siddan moodeyney ma noqon .. laakin waanan isku haleyn doonin."ayuu yiri Islaan Bashiir.

Isimmo iyo wax-garadkii kale oo ay waheliyeen mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha xukuumadda Puntland iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa si isku mid ah u sheegay inay ka go'antahay sidii loo hirgalin lahaa dhismaha dekedda oo dhererkeedu yahay 636m, ballac gaaraya 50m iyo qotinkeeda hoose 11.5 ilaa 14.5m, waxaana ku baxaya lacag gaaraysa 40 milyan oo dollar, iyadoona ay dhisi doonto shirkada laga leeyahay wadanka Turky ee TTN, shirkadda dhiseysa dekedda ayaa sheegtay wajiga koowaad ee dhismaha inuu ku dhammaan doono muddo 22 bilood ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]













Click here
7/31/2018 3:57 PM EST
Talaado, July, 31, 2018 (HOL)-Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa markii ugu horeysay lagu sheegay in wasaaradu baadi-goob u gali doonto midabka saxda ah ee calanka Soomaaliya.

7/31/2018 12:58 PM EST
Talaado, July, 31, 2018 (HOL) – Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in ciidamada nabad-galyada garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho barkhadii maanta xireen gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi.

7/31/2018 11:53 AM EST
Talaado, July, 31, 2018 (HOL)-Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Puntland ayaa maanta safar dhulka ah ku gaaray degmada Qardho , halka oo ay dadweyne badan ku soo dhaweeyeen.

7/31/2018 10:10 AM EST
Talaado, July, 31, 2018 (HOL)- Ciidamada Amniga ee Gabiley Somaliland, ayaa qabtay Hilib gaar ahaan Beer iyo Kalyo laga soo galiyey dhinaca Itoobiya oo loo soo waday magaalada Hargeysa.

7/31/2018 4:22 AM EST
Talaado, July, 31, 2018 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xarig saacadihii hore ee maanta ciidamada amaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kaceen guddoomiyaha Rugta ganacsiga Jubbaland islamarkaana ah xoghayaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi.

7/31/2018 3:34 AM EST
Talaado, July, 31, 2018 (HOL)-Dood dheer oo ay arintan ka yeesheen kaddib Golaha Amaanka Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in dib loo dhigo dhismista iyo yareynta ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ee dowladda Soomaaliya ka caawinaya nabad soo celinta iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

7/31/2018 3:05 AM EST
Talaado, July, 31, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Puntland , Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lugu wadaa inuu goor dhow gaaro deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug , halkaas oo u ka dhagax-dhigayo deked ganacsi , mashruuca oo lugu sheegay midka ugu ballaaran ee la doonnayo isku-tashi in lugu dhiso.

7/31/2018 1:23 AM EST
Talaado, July, 31, 2018 (HOL)-Waa ra’iisal wasarihii ugu horeeyay ee Itoobiyaan ah oo taga gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka halkaa oo ay ku dhaqan yihiin tirada ugu badan marka la eego Qowmiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Itoobiya.

7/31/2018 1:04 AM EST
Talaado, July, 31, 2018 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo isaga oo ku sugan Garoowe la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC da ayaa sheegay in xukuumaddu meel wanaagsan u mareyso sida uu hadalka u dhigay qorshaha xiliga kala guur-ka ee AMISOM dalka uga baxayaan.

7/31/2018 12:37 AM EST
Talaado, July, 31, 2018 (HOL)-Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa sheegay in ay ballaarinayaan islamarkaana sare loo qaadayo howlgalka ka dhanka xarrakada Al-shabaab oo wali maamusha qeyb ka mid ah dalka.