4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2018
Madaxweynaha Puntland oo tagaya deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug

 

Talaado, July, 31, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Puntland , Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lugu wadaa inuu goor dhow gaaro deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug , halkaas oo u ka dhagax-dhigayo deked ganacsi , mashruuca oo lugu sheegay midka ugu ballaaran ee la doonnayo isku-tashi in lugu dhiso.

Horey waxaa loo qorsheeyay dekedda inuu dhagax-dhigo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Puntland, balse waxaa la sheegay inuu ka-cududaartay sababo aan wali la faahfaahin, taa-badalkeeda uu dhagax-dhigayo madaxweynaha Puntland.

“Dekedda dhismaheedda waa mid aan ku dooneyno in lugu kobciyo dhaqaalaha gobolka, waxaana si isku-tashi ah ku dhisaya bulshadda oo kaashanneysa xukuumadda Puntland .. waxa aan dooneyno ee nago go’an ayaa ah si dhaqso ah in dhismaha dekedda lugu soo gabagabeeyo, taas oo fursad u ah qof walba oo Soomaali ah. ” ayaa lugu yiri qoraal la soo gaarsiiyay Hiiraan Online oo ka soo baxay guddiga ku howlan dhismaha dekedda.

Toddobadkii u dambeeyay, waxaa Garacad ka socday diyaar-garow loogu jirey dhagax-dhiga dekedda, waxaana deegaanka ku sugan ganacsatado, isimmo iyo dadweyne kale oo ka qeybgalaya munaasabadda dhagax-dhiga dekedda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online 

[email protected]