4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2018
Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo taariikhda markii ugu horeysay booqday gobolka Minnesota

 

Talaado, July, 31, 2018 (HOL)-Waa ra’iisal wasarihii ugu horeeyay ee Itoobiyaan ah oo taga gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka halkaa oo ay ku dhaqan yihiin tirada ugu badan marka la eego Qowmiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Itoobiya.

Calamo midabo kala duwan leh, farxad, dhuula-cadeyn, heeso iyo waliba cayaaro ayaa lagu soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha, waxaana booqashadan Minnesota marti-galisay Jaaliyada Qowmiyada Oromada ee uu ka soo jeedo ra’iisal wasaaraha.

Minnesota gaar ahaan magaalada Minneapolis oo lagu tirayo halka ay ku nool yihiin tirada ugu badan Qowmiyada Oromada guud ahaan marka la eego dalka Mareykanka ayuu ra’iisal wasaaruhu ugu baaqay dadkii isku soo baxay in ay qaataan nabada laga-na wada shaqeeyo hormarka, isaga oo si gaar ah farta ugu go’day Qowmiyadaha kala duwan oo uu faray in aysan sun isku noqon isku-na naxariistaan.

Dadkii ka qeyb-galay soo dhaweynta ra’iisal wasaaraha islamarkaana dhageystay khudbadiisa ayaa sheegay in ay siweyn ula dhacsan yihiin sida ay uga go’an tahay Abiy dhismaha Itoobiya is jecel oo aan leysku faquuqin.

Gaar ahaan Soomaalida ayaa iyagu sheegay in ay rajo badan ka qabaan ra’iisal wasaaraha cusub, laakiin haddana bal dib u sii eegi doonaan tallaabooyinka kale ee uu qaado si loo dhameeyo inta ka dhiman nabada iyo degenaashaha dalka.

Socdaalka Abiye ee Minnesota ayaa imanaya xili bilihii ugu danbeeyay-ba ay sii xoogeysanayeen dagaallada ka dhax socda Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida, isaga oo siweyn xoogga u saaraya soo afjarida dagaalladaas oo dadka qaar ku micneynayaan kuwo siyaasadeysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]