4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2018
Wasiirka Warfaafinta oo faah faahiyay kulankii madaxweyne Farmaajo iyo ONLF

 

Isniin, July, 30, 2018 (HOL) –Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa faah faahin ka bixiyay kulankii dhaxmaray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ONLF.

Wasiirka oo la hadlay BBC-da ayaa yiri’’ Ugu horeyn madaxweynaha waxa uu kulan la qaatay hoggaanka saree ee ONLF, kaas oo ahaa mid aan horey loosii qorsheynin, markii aan halkan nimid ayay noo yimaadeen, waa la kulmay, aad iyo aad ayaa loosoo dhaweeyay, kulanka qeybtiisa hore mid furan ayuu ahaa anagana waan ka qeybgalnay, qeybta kale madaxwey-naha ayay isku hareen, waxaana laga wada hadlay guud ahaan arrimaha Geeska Africa.

Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa sheegay in kulankii dhaxmaray iyaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ay uga wad hadleen xariggii Cabdikariin Qalbi-Dhagax dowladdu-na raali galin ka bixisay.

Laakiin Wasiirka oo ka hadlayay arrimaha ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta ONLF ayaa yiri’’ "Waxaa si gaar ah looga wada hadlay dabeysha nabadeed ee gobolka ka socota, dowladda Itoobiya qaabka ay wadahadallada ula galayaan waa wax ay iyaga u madax banaanyihiin, balse dowladda Soomaaliya waxa ay xiisaynaysaa in gobolka uu noqdo mid amni ah".

Mar wax laga weydiiyay in tallaabada uu ku raali-galiyay madaxweynaha ONLF dowladda Soomaaliya uga dayatay Itoobya oo liiska argagixisada ka saartay Ururkaas ayaa ku jawaabay’’ Go’aanka Itoobya waxaa ka horeeyay kii baarlamaanka Soomaaliya ee ka diiday in Ururka ONLF yahay Urur Agagixiso, go’aankaasna waxaa uu wax badan ka horeeyay kan Itoobiya.

Marka la eego kulanka dhaxmaray madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo hogaanka ONLF ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah taariikhda oo labada dhinac ay isku soo hor fariistaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]