ONLF ‘’ Madaxweynaha Soomaaliya raali galin ayuu ka bixiyay dhiibistii Qalbi-dhagax
Axad, July, 29, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral
Maxamed Cumar Cusmaan ayaa sheegay in kulan dowladda Soomaaliya raali galin ka bixisay dhiibistii sarkaalkii ka
tirsanaa Ururka Cabdikariin Muuse Qalbi –Dhagax.
Wuxuu sheegay in kulan xalay la qaatee madaxweynaha dowladda
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Asmara uu raali galin ka
bixiyay tallaabadii ay dowladda Soomaaliya ugu gacan galisay Itoobiya
Qalbi-Dhagax.
‘’Madaxweynaha Soomaaliya raaligalin ayuu na siiyay, waxaana
uu sheegay in sidii uu doonayay si aan aheyn loola dhaqmay Qalbi-dhagax ‘’
ayuu yiri guddoomiyaha Ururka ONLF
Isaga oo la hadlayay Idaacada VOA ayuu sheegay Admiral
Maxamed Cumar ayaa mar uu ka jawaabay su’aal aheyd bal in ay isla soo qaadeen
go’aankii dowladda Soomaaliya ee ahaa in Ururka ONLF yahay urur Argagixiso’’
ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu aqoonsan yahay go’aankii baarlamaanka
Soomaaliya ee ahaa in Ururka ONLF yahay urur xaq u dirir ah, taas ayuuna inoo sheegay mar kale’’
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Daahir
Maxamuud Geelle ayaa dhiciisa xaqiijiyay in uu dhacay kulanka madaxweynaha
Soomaaliya uu la yeeshay mas’uuliyiinta ONLF
Qalbi-Dhagax ayaa horaantii bishan laga sii daayay xabsiga
waxaana uu arintaa uga mahad celiyay ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka itoobiya
Abiy Ahmed oo inta badan sii daayay maxaabiistii ku jirtay gacanta Itoobiya.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]