Axad, July, 29, 2018 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan
Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe
ee xarunta Puntland.
Wafdiga uu hoggaaminayo ra'iisul
wasaare Khayre, waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe
ee Jen. Maxamed Abshir, madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas iyo golayaasha
xukuumadda Puntland oo ay waheliyaan dadweyne badan oo isugu soo baxay garoonka
diyaaradaha illaa waddada ku xirta xarunta madaxtooyada Puntland.
Ra'iisul wasaare Khayre iyo
madaxweyne Gaas ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan
ciidanka Puntland, waxaana lugu wadaa goor dhow inuu gaaro barxadda Garoowe oo
boqollaal ruux ay isugu soo baxeen, kuwaas oo ka qeybqaadannaya soo dhaweynta
ra'iisul wasaaraha,kaddibna waxaa loo gudbin doona xarunta madaxtooyada.
Waa booqashadii ugu horreeysay oo
ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo Puntland tan iyo markii uu xilka
qabtay, waxaa lugu wadaa inta uu joogo Puntland inuu booqdo magaalooyinka kale
ee Puntland, wuxuuna kulamo la qaadan doonaa mas'uuliyiinta Puntland iyo
qeybaha bulshada, waxaa inta dheer in markii ugu horreeysay shirka golaha
wasiirrada Puntland lugu qabannayo magaalada Garoowe, sida ay Hiiraan Online u
xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Puntland.
Iman Jama,Hiiraan Online