4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2018
Ras’iisal Wasaare Kheyre oo goor dhaw u anbabaxay magaalada Garoowe

 

Axad, July, 29, 2018 (HOL) –Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw u dhoofay magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland.

Ra’iisal wasaaraha ayaa magaalada Garoowe uga qeyb-gali doona xuska sanad-guuradii 20aad ee ka soo wareegtay aas-aaska maamulka Puntland, isaga oo dhinaca kalana inta uu joogo Puntland dhagax-dhigi doona mashaariic dhowr ah.

Ra’iisal wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan Puntland waxaa ay booqan doonaan deegaanno dhowr ah oo ka tirsan isla maamulka.

Diyaar garow ku aadan soo dhoweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socota magaalada Garowe, waxaana faras-magaalaha la suray sawirka Ra’iisul Wasaaraha.

Wixii warar ah ee ku soo kordha safarka ra’iisal wasaaraha waad idin soo gudbin doonnaa

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]