11/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2018
Maalinta caalamiga ah ee cudurka Cagaar-showga oo Muqdisho laga xusay



Axad, July, 29, 2018 (HOL) – Munaasabad lagu xusayey Maalinta caalamiga ah ee ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka dilaaga ah ee Cagaarshowga (World hepatits Day) oo sanad kasta bishan July laga xuso caalamka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munasabadan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Ardayda dhaqaatiirta Soomaaliyeed (SOMSA), ayaa halku dhaga sanadkan uu yahay Ciribtirka Cudurka Cagaar-showga (Eliminate Hepatitis).

Mas’uuliyiin ka soctay Wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya, heyadda caafimaadka adduunka WHO Aqoonyahanno, boqolaal ka tirsan ardayda Jaamacadaha qaarkood, masuuliyiin kala duwan iyo xubno ka socday qey-baha bulshada.

Guddoomiyaha Ururka dhaqaatiirta ardayda Soomaaliyeed Dr C/llaahi Maxamuud Tuur-yare oo furitaankii munaasabadaas ka hadlay ayaa u mahad celiyey Prof. Dufle, ardayda ka faa’iideysatay casharkan iyo martida kala soo qeyb gashay intaba, wuxuuna xusay in ururka SOMSA uu mar walba qabto tababaro si kor loogu qaado aqoonta ardayda Soomaaliyeed ee ku howlan barashada Caafimaadka.

Yaasiin Nuur oo ah masuul ka tirsan WHO oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay muhimada ay leeyihiin barnaamijyada noocan ah ee bulshada looga wacyi gelinayo cudurada haliska, wuxuuna xusay in heyadda caafimaadka adduunka ay kaalinteeda ka qaadaneyso xoojinta barnaamijyada noocan ah.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in dhaqaatiirta Soomaaliyeed uu waajib ka saaran yahay sidii ay bulshadooda uga wacyi gelin lahaayeen cudurada halista ah.

“Cagaarshowga waa cudur dilaa ah, Soomaaliyana waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee lagu arko mar walba, waxaan u mahad celinayaa Prof. Dufle oo muddo fog soo waday wacyi gelinta cudurkan si weyna ugu dedaalay sidii bulshada loogu baraarujin lahaa ka hortagiisa” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ahna oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in cudurkan uu faro ba’an ku hayo bulshooyinka caalamka, ayna sanad walba u dhintaan malaayiin qof oo intooda badan ku nool dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, Koonfur bari Aasiya iyo Latin Amerika, isagoo xusay in qorshuhu yahay cudurkan in laga ciribtiro aduunyada ugu dambeyn sanadka 2030-ka.

“Cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad kasta 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkan halista ah oo sida amusan wax u dila (Silent Killer)” ayuu yiri Dr Dufle oo intaa ku daray in cudurka cagaarshowga ay keenaan feyrusyo kala duwan oo burbur iyo dhaawac u geysta unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaasoo uu sheegay iney ka mid yihiin Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.

Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV) ayuu sheegay Prof. Dufle inuu yahay nooca ugu badan, uuna sanadkii ku dhaco tiro dhan 1.4 milyan oo ruux, isagoo xusay inuu ku badan yahay caruurta iyo dadka waaweyn, wuxuuna tilmaamay in cudurkan uu mararka qaarkood dadka ugu dhaco hab saf mareen ah.

“Wuxuu ku badan yahay Cagaarshowgu goobaha nadaafadoodu hooseyso dad badan ay ku noolyihiin sida xeryaha qaxootiga IWM, Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacmaha ka dib marka la cuno cunto, khudrad, miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro” ayuu intaa ku daray Prof. Dufle oo dhinaca kale ku dheeraaday calaamadaha cudurka iyo sida ugu haboon ee looga hortago, loona daweeyo.

Mar uu ka hadlayey Soomaaliya ayuu sheegay Prof. Dufle inuu aad ugu badan yahay cudurkan ayna ka jiraan dhaqamo hore iyo dhibaatooyin kale oo gacan ka geysanaya in cudurka cagaarshowga uu maalin walba soo rito dad cusub, isagoo bulshada ugu baaqay iney ka fogaadaan isticmaalka Cirbad lagu duray qof jiran, qalabka ama Sakiinta Gar xiirka, madax xiirka oo wadar loo isticmaalo, galmada lala sameeyo qof cudurka qaba, daawo dhaqameedka sida: Dalqa goynta, qun goynta, ilka bixinta, gudniinka fircooniga, gudniinka ragga si wadajir ah, dhalmo dhaqameedka, sarsarmada, toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalo aan la jeermi dilin cudurkana sii faafin kara.

Prof. Dufle ayaa si hufan uga jawaabay su’aalo ku saabsan cudurkan oo ay weydiiyeen qaar ka mid ah ardayda ka soo qeyb gashay Munaasabadan.

Waxaa xusid mudan in Dr. Cawaale oo ka mid ahaa dufcadii ugu horeysay ee ka qelin jebisay kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir uu munaasabada ku soo bandhigay Talaal loogu talo galay cudurka Cagaarshowga kaasoo markiiba la siiyey qaar ka mid ahaa ardaydii goob jooga aheyd qaarkood.

Mas’uuliyiinta goob jooga ka aheyd xuskan ayaa shahaadooyin uu bixiyey ururka SOMSA waxay guddoonsiiyeen ardayda ka faa’ideysatay dhegeysiga casharka ku saabsanaa Cagaarshowga waxayna munaasabadaas ku dhamaatay Sidii loogu talo galay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 







Click here
7/29/2018 2:51 PM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan ayaa sheegay in kulan dowladda Soomaaliya raali galin ka bixisay dhiibistii sarkaalkii ka tirsanaa Ururka Cabdikariin Muuse Qalbi –Dhagax.

7/29/2018 11:07 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)-Sharaf weyn bay aniga iyo waftigaygaba u tahay in aan soo gaarno caasimadda qurxoon ee Ereteriya, casuumaaddii aad noo fidiseen ka dib.

7/29/2018 10:27 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)-Masuuliyiin iskugu jira xildhibaanno iyo wasiiro ka soo jeedda gobolka Sool ayaa maanta shir albaabadu u xidha yihiin la yeeshay wefti ka socda Qaramadda midoobay iyo urur goboleedka IGAD, kuwaas ka wada hadlay arrimaha Tuko raq.

7/29/2018 9:58 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL) – Ra'iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho maalma qaadaneysa oo uu ku marayo magaalooyinka iyo deegaannada Puntland.

7/29/2018 8:56 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Rag bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw Suuqa Bahaaraha ee degmada Howl-wadaag sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen dad ay qaraabo yihiin.

7/29/2018 5:02 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

7/29/2018 4:02 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw u dhoofay magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland.

7/29/2018 3:20 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Warar naga soo gaaraya deegaanka lagu magacaabo Arbacoow ee dulleedka Muqdisho ayaa sheegaya Al-shabaab madaaafiic ku weerareen saldhig ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka.

7/29/2018 2:10 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Waabarigii hore ee saakay ayaa lagu waramayaa in degmada Hodan ee gobolka Banaadir ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu kula qarxay gaari yar oo ay wateen oo marayay xaafadda loogu magac-daray Galmudug.

7/29/2018 1:18 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Dowladda Eritrea ayaa hadda qorsheyneysa in la bilaabo wada hadallo lagu dhameynayo khilaafka siyaasadeed ee madmadowga soo kala dhax-galay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

7/29/2018 1:05 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Shan sarkaal oo katirsanaa guddiga doorashooyinka ee dalka Ciraaq ayaa shaqadii laga eryay, kadib markii lagu eedeeyay wax isadabamrin iyo inay iibsadeen codadkii doorashada xiligii doorashooyinka kuraatsa barlamaanka ee dalkaasi.

7/29/2018 12:54 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)–Kulamadan oo ah kuwo bilow ah oo u dhaxeeya madaxweynayaasha dowladdaha Soomaliya iyo Ertirtea Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Eritrea iyo Isaias Afwerki, ayaa sii socon doona labada cisho ee nagu soo foolka leh kaddib markii madaxweyne Farmaajo maalintii shalay ku tagay magaalada Asmara booqasho taariikhi ah.

7/29/2018 12:37 AM EST
Axad, July, 29, 2018 (HOL)-Isbadalkan ama qaab dhismeedka oo ah mid cusub ayaa soo ifbaxaya xili maalmihii ugu danbeeyay-ba uu is mari-waa iyo khilaaf adag ka dhax jiray taliska sare ee hay’adda nabad-sugida.