4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2018
Al-shabaab iyo AMISOM oo madaafiic isku weydaarsaday dulleedka Muqdisho

 

Axad, July, 29, 2018 (HOL) –Warar naga soo gaaraya deegaanka lagu magacaabo Arbacoow ee dulleedka Muqdisho ayaa sheegaya Al-shabaab madaaafiic ku weerareen saldhig ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale Al-shabaab dhinacooda ku jawaabeen madaafiic culus, taasoo keentay in jugta dhawaqa hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac laga maqlo deegaannada fog fog.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay madaafiicdan oo qaarkood la sheegay in ay ku dhaceen deegaanno durugsan, ma jiro wax war ah oo ay saareen Al-shabaab iyo AMISOM oo la xiriira madaafiicda ley-weydaarsaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]