4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2018
Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

 

Axad, July, 29, 2018 (HOL) –Waabarigii hore ee saakay ayaa lagu waramayaa in degmada Hodan ee gobolka Banaadir ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu kula qarxay gaari yar oo ay wateen oo marayay xaafadda loogu magac-daray Galmudug.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in mid ka ah askartii la soctay gaariga uu dhintay halka mid kalana uu soo gaaray dhaawac, waxaana goobta ka qaaday isla ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku baxay dhacdadan.

Qaraxa ayaa ka dhashay miino lagu soo xiray gaarigan oo noociisu ahaa Gaarib oo ay la socdeen Askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Qaraxyada noocan ah ee lagu soo xiro gawaarida ayaa ku badan magaalada Muqdisho waxaan inta badan lagu beegsadaan dadka siyaabaha kala duwan xiriirka ula leh dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]