4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2018
Wakiilka IGAD ee Soomaaliya iyo wafdi ka socda UNSOM oo Garoowe kula kulmey madaxweynaha Puntland SAWIRRO


Sabti, July, 28, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hoggaaminayey wakiilka gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo ku-xigeenka Arrimaha siyaasada Soomaaliya ee UNSOM Mr. Raisedon Zenenga.

Kulankan ay yeesheen madaxweynaha Puntland iyo wafti ay hoggaaminayeen wakiilka gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliaya ayaa waxaa looga ahadlay amniga guud ee gobolka, xaaladaha bina'aadanimo iyo siyaasada Soomalaiya.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulanka ka sheegay in Puntland ay marwalba u taagantahay sidii loo heli lahaa dowladnimo soomaaliyeed oo buxda kuna dhisan sinaan iyo caddaalad, iyo sidii soomaaliya xaaladeeda guud ee amni wax badan looga badeli lahaa.

Sidoo kale,wakiilka gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo ku-xigeenja arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee UNSOM Raisedon Zenenga, ayaa Puntland ku ammaanay doorka iyo kaalinta siyaasadeed ay ka qadatay nabadda, xasillinta, is-dhexgalka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdeed oo soo af jara dhibaatadii dheereed ee ay soo martay Soomaaliya.

Gabagabadii, madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa beesha caalamka uga mahad celiyey dowrka muhiimka ah ee ay ka qaadato wax ka qabashada arimaha Soomaaliya gaar ahaaan amniga iyo siyaasada, sidoo kalena kula dar daarmay inay sii xoojiyaan waddada loo marayo sidii Soomaaliya loogu toosin lahaa jidka nabadda.

Iman Jama, Hiiraan Online