4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2018
Dallada SAFE oo sheegtey in aysan aqoonsaneyn natiijada Imtixaan-kii

 

Sabti, July, 28, 2018 (HOL) – Dallada SAFA oo ay ku mideysan yihiin ilaa 300 oo dugsi ku kala yaala gobollada dalka ayaa qaadacday shaacinta natiijadii Imtixaannaadka ee sanadkan la qaaday.

Keyse Mayoow Abu-Xusseen oo ah agaasimaha Dallada oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan sida uu hadalka u dhigay habkii loo maamulay natiijadii Imtixaanka.

“Muddo dhowr Sanno ah ayaa soo diyaarineyney Ardeydaas sidaa darteed Wasaarada Waxbarashada wax Xil ah ama Mas’uuliyadeed ah kama muujin habkii loo qaadey iyo habkii loo saxay Imtixaanaadka waxaa uu yiri Agaasimaha.

Waxaa uu intaa ku daray in Wasaaradda Waxbarashada ka tallo-galin Dallada sixida iyo shaacinta natiijada Imtixaanka, taasoo keentay ayuu yiri in ay meesha ka muuqato sida uu hadalka u dhigay cadaallad darro lagu sameeyay qaar ka mid ah Ardeyda Soomaaliyeed.

“Hadii aan nahay hay'adda Waxbarashada SAFE waxaan u sheegeynaa bulshada Soomaaliyeed in Imtixaanaadkii Sannadkaan la siyaasadeeyey islamarkaana arday badan mustaqbalkoodana mugdi la galiyey”

Waxaa uu sheegay in ugu danbeyntii in wax lala yaabo tahay in 5 kun oo Ardey Soomaaliyeed ah sida uu sheegay la rido.

Cabashadan ayaa imaneysa xili labo cisho uun ka hor xilkii laga qaaday wasiirkii Waxbarashda Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo saacado uun ka hor xil ka qaadistiisa ku dhawaaqay natiijada Imtixaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]