4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2018
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiggiisa oo lagu soo dhaweeyay Asmara

 

Sabti, July, 28, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayeey uga bilaabatay booqasho Saddax cisho ah magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha waxaa magaalada Asmara waxaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha dalka Eritrea, Wasiir, iyo xildhibaanno ka tirsan xukuumadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan-yahay Asmara waxaa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eritrea, iyaga oo ka wada hadli doono hagaajinta cilaaqaadka labada dalka oo muddo dheer-ba mugdi ku jiray.

Madaxweyne Farmaajo waxaa booqashadiisa ku wehlinaya xubno ka tirsan xukuumadda Soomaaliya. Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan isla dowladda.

Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo madaxweyne Soomaaliya uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii ay ka go’day Itoobiya sanadkii 1993

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]