4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2018
Maxkamada ciidamada qalabka sida oo la soo taagay horjoogayaal ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Daacish


Sabti, July, 28, 2018 (HOL) - Maxkamadda Derejada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa ka soo hor muuqday Labo horjooge oo sida ay maxkamadu sheegtay ka tirsan Ururka Daacish ee dagaalama qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Mahad Max’ud Cabdi oo loo yaqaan (Abtidoon, Abuu-Yaasiin) iyo Max’ed Daa’uud Daahir Warsame  oo isagana loo yaqaanno  (Dr Raage)  ayaa loo heystaa in ay ka mid ahaayeen hor-joogayaasha kooxda Daacish.

Maxkamada ayaa sheegtay in gaar ahaa mahad Mahad Max’ud Cabdi  daadaal xoogan ugu jiray sidii uu u aas-aasi lahaa koox kale oo ka tirsan isla Daacish kuwaa oo ka madax banaan Daacish-ta ah ee uu hugaamiyo Cabduqaadir Muumin.

Waxaa uu heystaa dhalashada Ruushka oo uu muddo ku maqnaa, waxaa uu sidoo kale ku soo qaatay qeyb ka mid ah noloshiisa waddanka Syria,  isagoo ugu dambeyn ku biiray  kooxda Daacish uu ka mid noqday kuwa ugu sarreeyo balse mar dambe oo ay is qabteen hor-joogaha kooxda Daacish   ayuu  go’aansaday in uuu aas-aaso koox kale.

Wax yaabaha gaarka ah oo ay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen waxaa ka mid ah warqad uu u qoray horjoogaha ugu sarreeyo kooxda Daacish, taasi oo uu ku gudbinaya cabashada ay ka wadaan horjooge Cabduqaadir Muumin, wax yaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah;-

Hoggaan xumida hoggaamiyaha kooxda, Qorsha la’aanta howlahooda iyo Howl-galladooda, ku baahid la’aanta dhul ballaaran sida Koonfurta Soomaaliya iyo arrimo kale.

Max’d Daa’uud Daahir Warsame, oo magiciisa Af-garashada yahay  (Dr Raage)  ayaa isna lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda, sidoo kale  ahaa caawiye xagga caafimaadka ah ayaa cadeymaha Maxkamadda lala keenay waxaa ka mid ahaa Akoonada Lacageed ee uu isticmaalay iyo shirakidihii uu ka isticmaali jiray Lacagaha.

Farsoomyinka ay ka mid yihiin kala badalidda xawaaladaha, Sameynta akoonno kala duwan oo loo  sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha in uu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa maxkamdda ka codsaday in la mar-siiyo ciqaab u dhiganto  qodobada ay ku soo eedeeyeen, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in dil-toogasha ah.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha  ayaa  maxkamadda ka hor sheegay  in aysan wakiiladooda   diidaneyn ka mid ahaanshiyaha kooxda Daacish balse ay ka  laabteen fikirkaas, sida mid ka mid ah qoraalkiisa cadeymaha uu ku cadeeyay hor-joogayaashan.

Guddoomiyaha Maxkamadda D. 1-aad ee ciidamada Qalabka Sida  G/sare  Xasan Cali Nuur Shuute ayaa  soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxaa uuna u sheegay dhammaan ka qeyb-galayaasha in maxkamadda ay go’aanka dib ka soo saari doonaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]