4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2018
Ra'iisal wasaare Kheyre oo maanta tagaya magaalada Garoowe

 

Sabti, July, 28, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa lugu wadaa inuu booqasho ku tago magaalada Garoowe ee xarunta Puntland , sida ay Hiiraan Online ka soo xigatay saraakiil deegaanka ah.

Booqashadan oo ah middii ugu horreeysay waxaa la filaya ra’iisul wasaaraha in uu ku maro deggano kale oo Puntland ka tirsan, waxaana qaban qaabo xoog leh oo lugu soo dhaweynayo ra’iisul wasaaraha laga dareemaya magaalada xarunta ah ee Garoowe.

Inta uu ku sugan-yahay ra’iisul wasaaraha Puntland waxaa lugu wadaa inuu dhagax-dhigo mashaaric waa weyn oo la filayo inay ka mid noqoto deked laga hirgalinayo magaalada xeebta ku taalla ee Garacad oo ka tirsan gobolka Mudug, sidoo kale wuxuu ka qeybgalaya sanadguuradii 20-aad ee aas aaskii Puntland,taasi oo ku beegan 1-da bisha August ee sannadkan 2018,isagoona intaasi kaddib la kulmi doona madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada.

Iman Jama, Hiiraan Online