4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2018
Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo la kulmay madaxweyne ku-xigeenka dalka Mareykanka

 

Sabti, July, 28, 2018 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa la kulmay madax-weyne ku-xigeenka dalkaas Mike Pence oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dowladood.

Mike Pence ayaa ku hambalyeeyay Abiy Ahmed isbadallada muuqda ee uu sameeyay muddadii koobeyd ee uu xilka hayay, gaar ahaan marka la eego dhinacyada dib-u-heshiisiinta, walaaleynta dadka iyo waliba dimuquraadiyada.

Mareykanka marka la eego Itoobiya waa saaxiib weyn oo ay ku leeyihiin qaarada waxaana uu madaxweyne ku-xigeenka dalka Mareykanku sheegay in mar walba is bar bar taagayaan hormarada kala duwan ee ka jira gudaha dalka Itoobiya.

Booqashada Abiy Ahmed ee Mareykanka ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee ra’iisal wasaare Itoobiyaan uu ku arko Qowmiyadaha ka soo jeeda dalkaas ee ku dhaqan Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]