4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2018
Hay’adda ICRC oo yareyneysa howlgaladeedii Soomaaliya

 

Sabti, July, 28, 2018 (HOL)-Hay’addaha ICRC ayaa ku dhawaaqday in yareyneysa howlgaladeedii samafalka ee gudaha dalka Soomaaliya sida lagu baabacay Bogga Internetka ee Relief-web sababo la xiriira xaalada dhinaca Amniga ee bilihii ugu danbeeyay soo food saaray shaqaalaha hay’adda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay bishii Maarso ee sanadkan si ula kaca ah mid ka mid ah shaqaalaheeda gudaha dalka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiraay Cabdi Xafiid toogasho lagu dilay isaga oo ku sugan ilinka hore ee xafiiskiisa shaqada.

Sidoo kale hay’addaha ayaa shegtay in bishii May Sonja, oo ahayd gabar kalkaaliso ayaa lagu afduubtay gudaha magaalada Muqdisho.

Labadaasi dhacdo ayeey sheegtay hay’adda ICRC in ay u qaaday tallaabadan ku yareyneyso dhaqdhaqaaqydii dhinaca samafalka oo ay ka waday gudaha dalka Soomaaliya.

Laakiin hay’adda ayaa sheegtay in taallabadan ay qaadeen aysan macnaheedu aheyn in gabi ahaanba la joojiyay howlihii hay’addaha ee gudaha dalka Soomaaliya, laakiin ujeedadu tahay oo kaliya in la xaqiijiyo amaanka shaqaalaha oo ah awooda ay ku dhisan tahay sida warbxiinta ku jirta hay’adda.

ICRC waxaa y ka mid tahay hay’addaha ugu waaweyn ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya muddo dheer-na ka soo shaqeynayay xitaa marka dib loo malicsado waqtiyadii colaada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]