4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2018
Dayax madoobaad waqti dheer qaatay oo xalay laga arkay dunida oo idil

 

Sabti, July, 28, 2018 (HOL) - Malaayiin qof ayaa xalay oo dhan cirka ku dheegaagayay si ay indhaha u saaraan dayax madoobaadkii ugu mudadda dheera ee qarnigaan soo mara caalamka.

Dayax madoobaadkan ayaa ahaa midkii ugu dheeraa qarniga 21aad, sida ay sheegayso hay'adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka (NASA).

Dadka nasiibka u yeeshay inay daawadaan dayax madoobaadka, ayaa waxa ay daawanayeen hal saac iyo 43 daqiiqo oo dayax madoobaadkaas uu soconay.

Meelaha sida wayn looga dareemay waxaa ka mid ah qaar ka mid ah dalalka qaarada Afrika iyo Australia iyo goobo kale oo caalamka ka tirsan.

Sidoo kale meelaha xalay laga dareemay Dayax madoobaadka waxaa ka mid ah dhulalka ay Soomaalida dagto.

Siinisyahanada ayaa horey u saadaaliyay inuu dhacayo dayax madoobaadkani.

Dayax madoobaad ayaa dhacaa marka qorraxda, dhulka iyo dayaxu ay isku beegmaan. taa micnaheedu waa in dhulku uu soo kala dhex galayo qorraxda iyo dayaxa, oo uu ka xannibayo iftiinka qorraxda inuu gaaro dayaxa.

Madoobaanshuhu wuxuu dhacaa marka uu dayaxu galo hooska dhulka.

Koofurta Ameerika, ayaa qeyb ahaan laga arkay deegaannada dhinaca bari sida magaalooyinka Buenos Aires, Montevideo, Sao Paulo iyo Rio de Janeiro.

Magaalooyinkaas iyo kuwa u dhowba waxay dadku arkeen marka uu dayaxu godka sii galayay, ama daliigta u eg in cirka iyo dhulka ay iska galaan.

Isha Warkan/BBCSomalia