4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo maanta tagaya dalka Eritrea

 

Sabti, July, 28, 2018 (HOL) -Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal taariikhi ah ku tagaya magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Socdaalkan madaxweynaha Soomaaliya uu maanta ku tagayo magaalada Asmara sidoo kale waxaa xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibeda xukuumadda Asmara, waxaana lagu wadaa uu uu kulan rasmi ah uu la qaato madaxweynaha dalkaas Isaias Afewerki.

Booqashadan ayaa la leeyahay waa mid qeyb ka ah isbadallada siyaaasadeed ee curtay guud ahaanba marka la eego gobolka, gaar ahaan heshiiskii dhawaan dhaxmaray labada dowladood ee Itoobiya iyo Ertirea, taasoo meesha ka saartay madmadow horay u jiray oo aheyd Eritrea taageerto kooxaha argagixisada oo ay Al-shabaab-na ka mid yihiin.

Madaxweyne Isaias Afewerki ayaa marti-qaad rasmi ah u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya oo booqashadiisan noqon doonto tii ugu horeysay oo madaxweyne Soomaaliyeed oo uu ku tago dalkaasi Eritrea.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]