4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2018
Ra’iisal Wasaare Kheyre : Ardeyda Jaamacadaha waxaan leenahay dowladdii-nu wey idin aqoonsan-tahay

 

Jimco, July, 27, 2018 (HOL) -Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ay soo qaban-qaabisay wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo hadal qaaday aragtida xukuumadda Soomaaliya ee Jaamacaddaha dalka.

Ra’iisal wasaaraha oo hadal ka horjeediyay Boqolaal dhalinyaro ah ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay abaal –weyn u heyso guud ahaanba bahda waxbarashada dalka oo sida uu sheegay ku soo shaqeeyay marxalad adag, isaga oo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya aqoonsan-tahay guud ahaan Jaamacadaha dalka.

‘’Waxaa jira wal wal dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhigata Jaamacadaha ay ka muujiyeen in dowladdu aqoonsan tahay iyo kale, sidaa daraadeed waxaan rabaa in aan maanta hor-tiina ka cadeeyo in ardeyda ka soo baxday Jaamacadaha iyo kuwa hadda dhigta-ba in dowladdii-nu idin aqoonsan-tahay’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.

Laakiin haddana ra’iisal wasaaruhu meesha kama uusan saarin baahida loo qabo in la xoojiyo tayada wax-barashada guud ahaan, gaar ahaan Jaamacadaha dalka oo la gaarsiiyo sida uu sheegay heer ay la tartami karaan kuwa qaarada.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa imanaya xili maalin ka hor xil ka qaadis lagu sameeyay Wasiirkii Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo sheegay in xukumadda Soomaaliya aysan aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka oo ay ka mid tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed madaama ayuu yiri aysan dhamaantood soo buuxin sharuudihii looga baahnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]