4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2018
Sarkaal ka tirsan booliska Puntland oo Gaalkacyo lugu dilay

 

Jimco, July, 27, 2018 (HOL) -Sarkaal ka tirsan booliska Puntland ayaa goor dhaw lugu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug , sida ay xaqiijiyeen saraakiisha deegaanka.

Col. Cabdirashid Xasan Xaashi (Gabi Gabi) ayaa la sheegay inay toogten markii uu soo tukadey salaada cishe dabley aan wali la aqoonsan.

Alle ha u naxariiste Gabigabi waxuu horay u soo noqday taliyaha ciidamada Birmadka gobolka Mudug  oo ah laan ka mid ah Booliska Puntland , ma jirto cid wali sheegatay mas’uuliyada dilkan, sidoo kale hay’adaha amniga Puntland ma jirto warbixin ka soo baxday oo looga hadlay dilka sarkaalka. 

Iman Jama, Hiiraan Online