4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2018
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo soo xiray Olalaha Xoogagga Wadaniyiinta


Khamiis, July, 26, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta soo xiray ololaha Xoogaga wadaniyiinta Gobolka Banaadir kuwaas oo ka qeyb- qadanaya barnaamijyada wacyigalinta iyo xasilinta caasimadda iyadoo munaasabadaan xiritaanka ah uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir.

Ku-simaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ah-na guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir mudane Xusseen Maxamed Nuur, taliyaasha ciidamada qalabka sida iyo maamulada degmooyinka ayaa ayaa goob joog ka ahaa munaasabadani.

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in xoogaga wadaniyiinta Soomaaliyeed ay aas aas u yihiin horu-marinta amniga caasimadda,

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Xusseen Maxamed Nuur oo munaasabada ka hadlay waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ku guuleestay hirgalinta barnaamijka dariseenta oo guula muhiim ah laga gaaray waxa uu sidoo kale sheegay in uu meel gaba gaba ah maraayo qorshaha  horumarinta caasimadda ee 5-sano soo socoto kaas oo ka kooban 6-Tiir,

Ugu danbeyn ku-simaha duqa magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay in xaquuq ay heli doonan howl wadeenada xoogaga wadaniyiinta gobolka Banaadir,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo) ayaa uga mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir doorka uu ka geestay in ololahaani lagu guulesto islamarkaana uu soo gaaro heerkan,

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowlada dhiira-galin doonto qorsha kaste oo lagu xoojinaayo qaranimada iyo horumarinta wadajirka umada Soomaaliyeed si looga guulesto sharwadayaasha inoo diidan inaan hormarno oo aan la tartan asaageena.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]