3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2018
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo soo xiray Olalaha Xoogagga Wadaniyiinta


Khamiis, July, 26, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta soo xiray ololaha Xoogaga wadaniyiinta Gobolka Banaadir kuwaas oo ka qeyb- qadanaya barnaamijyada wacyigalinta iyo xasilinta caasimadda iyadoo munaasabadaan xiritaanka ah uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir.

Ku-simaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ah-na guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir mudane Xusseen Maxamed Nuur, taliyaasha ciidamada qalabka sida iyo maamulada degmooyinka ayaa ayaa goob joog ka ahaa munaasabadani.

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in xoogaga wadaniyiinta Soomaaliyeed ay aas aas u yihiin horu-marinta amniga caasimadda,

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Xusseen Maxamed Nuur oo munaasabada ka hadlay waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ku guuleestay hirgalinta barnaamijka dariseenta oo guula muhiim ah laga gaaray waxa uu sidoo kale sheegay in uu meel gaba gaba ah maraayo qorshaha  horumarinta caasimadda ee 5-sano soo socoto kaas oo ka kooban 6-Tiir,

Ugu danbeyn ku-simaha duqa magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay in xaquuq ay heli doonan howl wadeenada xoogaga wadaniyiinta gobolka Banaadir,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo) ayaa uga mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir doorka uu ka geestay in ololahaani lagu guulesto islamarkaana uu soo gaaro heerkan,

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowlada dhiira-galin doonto qorsha kaste oo lagu xoojinaayo qaranimada iyo horumarinta wadajirka umada Soomaaliyeed si looga guulesto sharwadayaasha inoo diidan inaan hormarno oo aan la tartan asaageena.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/26/2018 1:16 PM EST
Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) –Sawir qaade ka tirsanaa TV SBS xaruntiisa magaalada Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Khaasim Imaan ayaa waxaa gallinkii danbe ee maanta toogasho ku dilay askari tirsan ciidamada dowladda.

7/26/2018 12:02 PM EST
Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) –Khilaafka ka taagan arrimaha Xajka ee ku saleysan qaadista xujeyda Soomaalida ee doonaya in ay sanadkan soo xajiyaan, ayaa u muuqda mid mugdi sii galinaya rajadii Kumannaan Kun oo Soomaali ah ka qaabeen in ay ka mid noqdaan malaayiinta muslimiinta ah ee gudanaya waajibaadka xajka.

7/26/2018 11:53 AM EST
Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) –Kulan Golaha Wasiirada Soomaaliya ay maanta oo Khamiis ah ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu ansixiyay magacaabista Ilaa Saddex Safiir oo aan la sheegin dalalka loo magacaabay.

7/26/2018 7:15 AM EST
Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in maanta safarkiisii ugu horeeyay uu ku gaaro magaalada Washington ee dalka Mareyknka, isaga oo 30ka bishan-na lagu wado in uu tago magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

7/26/2018 4:27 AM EST
Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciiamada qalabka sida ayaa waxay ku dhawaaqday Xukun dacwad ciqaabeed loo heystay eedeysane Jaamac Xusseen Xasan Nuuni oo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida ay ku soo eedeysay inuu ka tirsan yahay Kooxda Argagixisada Daacish una qaabilsanaa farsameynta Qaraxyada.

7/26/2018 3:57 AM EST
Khamiis, July, 26, 2018 (HOL)–Warshaddii Furaash-yadda ee Hargeysa ku taalla ayaa xallay xili dambe dab ka qarxay,inkastoo aanu khasaare badan soo gaadhin cidna waxba ku noqon.

7/26/2018 2:30 AM EST
Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) –Waxaa soo baxaya eedeymo ay u jeedinayaan ciidamada Kenya qoysaska 46 ruux oo lagu la’yahay howlgalo ciidamada ka sameeyeen gobolka xeebta ah oo lagu baacsanayay kooxo ka tirsan Argagixisada iyo burcad.

7/26/2018 2:02 AM EST
Khamiis, July, 26, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay gurigiisa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ka soo qabtay agaasimihii Wasaaradda Maareynta Masiibooyinka Daahir Maxamed Nuur oo lagu soo eedeeyay musuq-maasuq.

7/26/2018 1:05 AM EST
Khamiis, July, 26, 2018 (HOL)–Wali waxaa soconaya dagaallada iyo iska horimaad-yada u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida, waxaana saacadihii ugu danbeeyay lagu waramayaa in maleeshiyo ka tirsan Qowmiyada Oromada ay dileen Afar Ruux oo Soomaali ah.

7/26/2018 12:20 AM EST
Khamiis, July, 26, 2018 (HOL)–Wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cali Khayre maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26ka July 2018 waxaa xilkii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada looga qaaday Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.